BOOLISKA SWEDEN OO KA HADLAY TOOGASHADII…
(SAWIRKA)-ISKUULKA TOOGASHADA KA DHACDAY.
(SWEDEN)-Wararka laga helaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in Xukuumadda dalkaasi eysan weli xaqiijin tirada dadka dhaawaca ah iyadoo boolisku ey ka digayaan in dhimashadu kororto,sida uu ku waramay telefishanka SVT ee dalka Sweden.”Hadda ma heyno sawir dhammaystiran oo ku saabsan tirada dhawaaca ah”ayuu yiri afhayeenka Booliska Fredrik Svedemyr. Waxa uu intaas ku daray afhayeenku in xaaladdu ey hadda tahay mid aan la hubin tirada dadka la daaweynaayo. “Maadaama eynan sidoo kale haynin wax macluumaad ah oo ku saabsan xaaladda dadka dhaawaca ah ee lagu daaweynaayo Isbitaaladda,nasiib darro waxaa jirta khatar ah in tiradu eysan ku ekaan doonin kow iyo toban”ayuu yiri Svedemyr. Toogashada ayaa waxa ey dhacday shalay oo Talaada ahayd saacudu markeey Sweden ka ahayd 12:23-Duhurnimo, iyadoo toogashada lala beegsaday Xarun Waxbarasho oo u gaar ah dadka Waa Weyn kuna taalo Kambaska iyo dugsiyadda kale ee Kambaska Risbergsk ee Orebro oo ah magaalo 200-Kiilomitir galbeed ka xigta magaaladda caasimadda ah ee Stockholm. Boolsika Sweden ayaa xusay in masuuliyiinta ey rumaysan yihiin in dambiilaha geystay weerarka toogashada ah uu ku jiro dadka dhintay,saraakiisha Amnigane eysan fileyn inuu dhaco weerar kale. Booliska ayaa intaas raaciyey in ninka falkan geysaty uu kaligiis falka geystay,balse ilaa hadda ma cadda sabbata ka dambeysay weerarka.
ISHA-AA.