JAMES SWAN OO LA KULMAY SHEEKH ADAN MADOOBE.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe ) uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Md.James Swan. Kulanka oo looga hadlay arrimo la xiriiro wada shaqeynta ka dhexeyso Golaha Shacabka ee BJFS iyo Qaramada Midoobe, Md.James Swan ayaa boqaadiyey hawlaha Golaha Shacabka isaga oo sheegay in Qaramada Midoobe ey ka go’an tahay xoojinta taageeradda Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Md.Aden Madoobe ayaa ergayga warbixin ka siiyey hawlaha Golaha Shacabka gaar ahaan furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka iyo arrimo la xiriira dhammaystirka Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka Soomaaliya, waxa uuna ugu dambeyn bogaadiyey wada shaqeynta ka dhexeyso Golaha Shacabka ee BJFS iyo Xafiiska Qaramada Midoobe ee Arrimaha soomaaliya. Dhinaca kale,Md.James Swan ayaa horay waxa uu ula soo kulmay xubno ka tirsan Mucaaradka DFS uuna ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida la sheegayne waxa ey ka wada hadleen arrimo la xiriiro Doorashada dalka ka dhici doonto iyo nuuca ey mucaaradku doonayaan iney doorashadu u dhacdo bacdamaa ey DFS sheegtay iney dooneyso in dalka Soomaaliya laga qabto Doorasho Qof iyo Cod ah. Mucaaradka DFS ayaa hadda ah mid isugu ururay oo kaliyah iney ka soo muuqdaan warbaajinta Muqdisho iyagoo ka ololeyn karay gudaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ey xubna ka yihiin qaarkood sida Sheekh Shariif iyo C/raxmaan C/shakuur.
ISHA-SNTV.