DAGAAL DAACISH KU HOOBTAY OO KA DHACAY BUURAHA..

(SAWIRKA)-HUBKII DAACISH SHALAY LAGA FURTAY.

(BOSAASO)-Todobaadkii hore ayey ahayd markii duqeymo dhinaca cirka ah lala beegsaday buuraha Gobolka Bari ee Puntland halkaas ey ku jiraan dagaalamayaasha kooxda Daacish,weerarkaas ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha Drones-ka ee dalka Maraykanka,waxa eyna sheegeen ciidamadda Maraykanka in weerarka lala beegsaday hogaamiye ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee G/Bari Puntland. DG Puntland oo isagan ka hadlay duqeyntaas ayaa dhinaciisa ka sheegay in duqeyntii dhacday lagu dilay Hogaamiye ku xigeenka kooxda Daacish-ta Soomaaliya ninka la yiraahdo C/raxmaan Faahiye Ciise Maxamud ahne Soomaali ka soo jeedo degaanadda Puntland kuna xiga Hogaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya C/qaadir Muumin. Sida la rumeysan yahay Daacish-ta Soomaaliya ayaa dhisantay ka dib markii ragaan hadda Hogaamiya Daacish-ta ka dagaalamaysa Buuraha G/Bari ey horay uga tirsanaayeen kooxda AL-shabaab ee inta badan ka dagaalanta Bartamah iyo Koonfurta Soomaaliya basle ey isku dheceen hogaankii kooxda ALshabaab ee waqtigaas una soo wareegeen Buuraha Boosaaso oo ey aqoon u leeyhiin qaabka loou dhuuman karo. In Marykanku beegsado C/raxmaan ayaa waxaa u sabab ah inuu soo maleegay weerar ey ku dhineen ilaa shan qofood gudaha magaaladda Boosaaso bartamaha sannadkii 2015-kii ninkaan ayaa la sheegay in hal bil gudaheeda uu ganacsatada Puntland kaga soo ururiyey lacag dhan ilaa 100-kun oo doolarka Maraykanka ah, C/raxmaan ayaa saldhigiisu yahay Buuraha Calmiskaad ee G/bari. Ciidamadda DG Puntland ayaa shalay qaaday weerar afar jihood ah waxa eyna Daacish kaga dileen sida la soo sheegay ilaa 40-dagaalame,waxa ey kaga soo furteen hub iyo saanad ey Daacish isaga carartay, weli lama haayo wax war ah kuna saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha ciidamadda DG Puntland soo gaaray inta uu la eg yahay.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

YOU-TUBER ASAD XAJIYAW OO LA GUDOONSIYEY BILAD.

Next
Next

BOOLISKA SWEDEN OO KA HADLAY TOOGASHADII…