BILJAM OO DIGNIIN U DIRTAY DADKA KA JOOGO IRAAN.
BANAANBAXYADA IRAAN.
(BRUSSELS)-Dalka Iraan waxaa weli si isdaba joogo uga dhacaayo mudaaharadyo looga soo horjeedo xukuumadda kuwaaso ey sabab u tahay gabadhii(Mahsi Amiin) ee ku dhex dhimatay xabsi ey lahaay ciidamaddii la baabi’iyey Anshaxa,mudaaharaadyan ayaa waxaa ku naf waayey kuna dhaawacmay dad aad u fara badan waxaane xabsiyadda ugu jiro kuwo aan ka yareeyn kumanaan qofood sidaas darteed dalka Biljam ayaa mawadiniintisa ku sugan dalka Iraan ugu baaqay ineey si deg deg ah uga soo baxaan dalkaasi Iraan. Digniintaan ayaa imaanaysa ka dib markii dad ajaanib ah kuna sugan dalkaasi Iraan ey soo food saartay khatar ah go’aano ayaga lagu soo xiraayo iyo eedeymo aan cadaalad ahayn oo loo soo jeedinaayo ka dibne xabsiga loo taxaabo,waxaane hadda xabsiga la dhigay shaqaale ka tirsan hayadaha samafalka waxaane qaar ayaga ka mid ah lagu xukumay 28-sano oo xarig ah todobaadkii tegay.
ISHA WARKA AP.