BERRI IYO ANSIXINTA XUKUMADA RW-XAMSA.
SAWIRKA GOLAHA WASIIRADDA CUSUB EE SOOMAALIYA.
(SOMALIA)-Todobaadkii hore waxaa dalka Soomaaliya looga dhawaaqay xukuumad in muddo ah la wada sugaayey waxa ayna xukuumadaan ka kooban tahay 25-Wasiir, 25-Wasiir ku xigeen iyo 24-Wasiirul dawlo,nidaamka wax qeybsiga Soomaaliya oo ah mid ku saleysan wax eey ku heshiiyeen Qabilladda ayuu Qabiil walba waxa uu helay 5-Wasiir balse waxaa soo baxay qabiilo cabasho ka qaba qoondada la siiyey qabiiladooda amaba jufooyinkooda hoose sida Qabiilka Mareexaanka ee uu ka dhashay madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmajo,beeshaan ayaa ku andoceenayso in la siiyey Wasiir eeysan u qalmin oo ah Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Doodishe waxa eeyna leeyihiin waa in nala siiyaa wasiirka Arrimaha dibadda oo la siiyey beesha Majeerteen oo eey ka wada tirsan yihiin Daarood,isla arrintaan saluuga ah ayaa waxaa is casilay ninkii loo magacaabya Wasiir ku xigeenka Qorsheynta ahne Maxamed C/qaadir Cali kana soo jeeda beesha Carab Saalax,Wasiirkaan ayaa ku beela ah Gudoomiye ku xigeena 1-aad ee BJFS Marwo Sacdiyo,mana jirto beel kale oo cabasho ka keentay xubnihii la siiyey.Magaaladda Muqdisho waxaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeyey ka socday kulano u dhexeeyo Wasiiradda magacaaban iyo Xildhibaanada ku metelo olaha Shacabka ee BJFS kulanadaaso ujeedkoodu yahay sidii loo ansixin lahaay Golaha Wasiiradda ee cusub kuwaaso lagu wado amaba la rjaynaayo in maalinta berri ah kuna beegan(Axad-7/8/22)-ka la horgeyn doono Golaha Shacabka ee BJFS si eey u siiyaan codkooda xukuumadan u guda gasho hawsheeda.
ISHA WARKA SUUQ BACAAD MEDIA-(SOMALIA).