MAXKAMAD FARANSIS AH OO KA HORTIMID..
MAXKAMAD MAAMULKA EE PARIS.
(PARIS)-Maalmo ka hor waxa aan halkaan uga hadalnay arrin ku saabsan nin Imaam ka ah dalka Faransiiska kaaso Wasaaradda Arrimaha gudaha Faransiiska dalbatay in dalka laga tarxiilo bacdamaa uu ku kacay waxyaabo sharciga khilaafsan,Imaamka ayaa la yiraahdaa Xasan Iquioussem waxa uuna dacwad u gaystay Maxkamada qaabilsan Maamulka ee Magaaladda Paris ee ah Caasimadda dalka Faransiiska,hadaba Maxkamdii uu Imaam Xasan u gudbiyey dacwadiisa ayaa shalay oo Jimca ahayd waxa eey soo saartay go’aan lidi ku ah kii eey gaartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska ee dalka looga eryaayey Imaamka.Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa Imaamka ku eedeysay inuu gudbinaanye dhambaal xambaarsan ncayb diimeed iyo la diido amaba laga horyimaado sinaanta Raga iyo Dumarka.Go’aanka Maxkamada Maamulka ee Magaaladda Paris ayaa lagu sheegay in Imaam Xasan oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Marooko eryidiisa ahayn mid dastuuri ah waane weerar aan u dhigmin arrimihiisa gaarka iyo nolosha qoyskiiska ee dalka Faransiiska sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay Garyaqaanka Imaam Xasan.
ISHA WARKA AA.