Soomaaliya oo noqotay dalka lagu dilo warfidiyeenadda.

Impunity-01-696x496.jpg

Somaaliya waxa eey ka mod tahay dalalka qaaradda afrika ugu liita dhinaca dhawritaanka xuquuqda bani’aadamka waxaana ka dhaca dilal aan loo meel dayin oo aan kala sooc lahayn loona geysto qeybaha eey ka koobantahay busha weynta soomaaliyeed,dhibaatadda teeda ugu baaxadda weyn ayaa waxa eey ku dhacdaa shaqaalaha ka hawlgala warbaahinta qeybaheed kala gedisan sababtuna waxa eey tahay ineeysan soo gudbin xaqiiqooyinka qarsoon ee dhex jira hayadaha dawladda markaas jirta.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo(Feb-2017)-kii waxa soo kordhaayey waxyeeleynta warfidfiyeenadda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka hawlgala caasimadda Muqdisho,waxaane dhacday in rag wariyeyaal ah loo xiro xog eey soo gudbiyeen balse dawladda federaalka soomaaliyeed eeysan jeclaysan tusaale ahan wariye Gurbiye ayaa soo bandhigay in isbitaalka martiini laga qaaday mashinkii neefsashada ka kaalmeeyhaayey dadka qaba cudurka Covid-19 kuna sugan isbitaalka Martiini ee magaaladda Muqdisho,arrintaas ayaa waxaa ka carootay madaxtooyadda soomaaliya waxaane hayadaha amaanka la amray ineey soo xiraan Wariye Gurbiye waxaane sidaas xabsiga dhexe loogu diray wariye Gurbiye oo soo bandhigay xaqiiqadda ku saabsan mashinkii neesashadda ee la qaatay lana geeyey madaxtooyadda.

Wariye Abuja waxa uu ka mid ahaay wariyeyaasha soomaaliyeed ee la dulmiyey sannadkaan 2020-ka muddo dhawr bilood ahne u xirnaay dawladda federaalka soomaliyeed,abuja ayaa lagu soo eedeeyey inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab qeybna ka haay geber lagu dilay degmada B/dheere ee gobolka banaadir,abuuja ayaa la horkeenay maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee soomaaliyeed waxaane lagu waayey dhammaan eedeymihii lagu soo eedeeyey wax uuna dib u helay xuriyadiisa ayadoo aan la siin wax meg dhaw ah,arrinta dhabta ah ee wariye abuja loo xiray ayaa ah inuu qoray qoraal uu kaga hadlaayey ciidamadda amaanka uuna ku soo bandhigay ciidamadda ma kuwa dhibaateeyo shacabkaa mase waa kuwa u gargaara shacabka waane taas tan eeysan jeclaysan dawladda federaalka soomaaliyeed oo ha dhaqankeeda saxaafadda u muuqda mid laga soo min guuriyey taliskii Maxamed Siyaad Barre oo aan dalka u ogoleeyn ineey jirto saxaafad ka madax baan maamulkiisa kali taliska ahaay,dalka kama eeysan jirin warbaahin si gaara loo leeyahay warbaahintii jirtayne waxa eey ahayd mid hoos tagta wasaaradiisa warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha waxa ka baxaayana waxa eey ahaayeen kuwa soo maray faafreeb.

Warbixin uu soo saaray gudiga difaaca warfidiyeenadda maalintii Arbacadda ah 28/10/2020-ka ayuu gudigu ku sheegay in 10-dal noqdeen kuwa uu ka dhaco dilalka loo geeysto warfidiyeenadda,Soomaaliya,Suuriya,Ciraaq iyo Koonfurta Suudaan ayaa noqday afarta dal ee ugu horeeyo adduunka ee lagu dhibaateeyo warfidiyeenadda. Tan iyo markii uu gudiga difaaca warfidiyeenadda bilaabay inuudiiwaan geliyo waxyeeladda loo gaysto warfidiyeenadda marka laga soo bilaabo nsannadkii 1992-dii gudiga waxa eey diiwaan geliyeen 1386 saxafi in lagu dilay dunida dacaladeeda,1772-warfidiyenna xabsi loo taxaabay,warbixintu ma sheegin inta wariye ee soomaaliya lagu xiray amaba lagu dilay.

Previous
Previous

HUB DAACISH LEEYAHAY OO LA QABTAY.

Next
Next

NIN DHALLIN YAR OO TUNISIYAN AH,XIRNAAYNE DHAR AAN QURUX BADNAYN.