BAARLAMAANKA JFS OO ANSIXIYEY XEERKA DOORA…

(SAWIRKA)-FADHIGA WADAJIRKAAH EE BJFS.

(MUQDISHO)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti waxa ey kulankoodii 10-aad ee Wadajirka ah ee Kalfadhiga 5-aad ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabkaee BJFS ee Villa Hargeysa,kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 172-Xildhibaan,waxaane Shir Gudoominaayey Guoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Adan Maxamed Nuur(Madoobe) oo ey wehliyaan Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Md.Cabdi Xaashi iyo Ku-Xigeenadda Labada Aqal,Habdhawraha Golaha Shacabka Md.Nuux ayaa dhaariyey Xildhibaan cusub oo hadda ku soo biiray Golaha Shacabka ee BJFS kaaso buuxiyey Kursigii uu baneeyey Gen.Shub oo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,waxaane booska Gen.Shub soo buuxiyey nin ey walaalo yihiin Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftgareen lana yiraahdo Adan Xasan Maxamed. Ajandaha kulanka oo ahaa Akhrinta Seddexaad iyo u codeynta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka,waxaane warbixinta akhrinta seddexaad ee Xeerkan Golaha la wadaagya Xildhibaan Mahdi Maxamed guuleed oo ah Gudoomiyaha Gudiga ku meel gaarka ah ee Labada Aqal ee BJFS ugu xilsaaran diyaarinta Xeerar Doorashooyinka,Ururada Siyaasadeed iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee JFS iyo Sharciga Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. Mudanayaasha labada aqal ayaa cod u qaaday Xeerka Doorashooyinka Qaranka waxaane ogolaatay 169-Xildhibaan waxaane diiday labad Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md.Xildhibaan Cali Xoosh ayaa Xildhiaanada Labada Aqal uga mahadceli Ansixinta Xeerka Doorashooyinka Qaranka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh Adan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Labasda Aqal uga mahadceliyey Ansixinta Xeerkan iyo dhammaan Xeerarka kale ee muhiimka u ah iney dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

KISMAAYO: DAGAAL KA DHACAY GUDAHA KISMAAYO.

Next
Next

ANKARA: WASIIR JAAMAC OO LA KULMAY….