ANKARA: WASIIR JAAMAC OO LA KULMAY….
(SAWIRKA)-WASIIR JAAMAC IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA TURKIGA YILMAZ.
(ANKARA)-Madaxweyne Ku-Xigeenka dalka Turkiga Cevdet Yilmaz ayaa Xarunta Madaxtooyadda ee magaaladda Ankara ee caasimadda ah kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaay iskaashiga labada dhinac ee dhinaca difaac iyo la dagaalanka Argagixisadda iyo sidoo kale in laga wada hadlo Horumarka Gobolka. Intii uu socday kulanka, labada masuul waxay muujiyeen dadaaladda wadajirka ah ee socda ee Ganacsiga,Tamarta iyo Hindiseyaasha Bani’adaniimada ee lagu taageeraayo Horumarka Soomaaliya. Waxaa kaloo dib u eegis lagu sameeyeywax ku biirinta Turkiga ee dhainacyada caafimaadka iyo bani’adanimada ee Soomaaliya.
ISHA-TT.