KISMAAYO: DAGAAL KA DHACAY GUDAHA KISMAAYO.

(SAWRKA)-KISMAAYO.

(KISMAAYO-JL)-Wararka laga helaayo xarunta ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac,ilo Maxali ah kuna sugan magaaladda Kismaayo ayaa sheegaayo in dagaalka uu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska Jubaland iyo ilaaladda Senitar Ilyaas Gaboose oo ka mid ah Mucaaradka Jubaland,waxaane la soo sheegayaa in dagaalkaasi saakay ka dhacay Kismaayo uu ku dhintay hal askeri oo ilaalo u ahaa Senitar Gaboose,is rasaaseynta labada dhinaca ayaa ka dhacday meel u dhaw Huteelka Agan ee magaaladda Kismaayo. Dhinaca kale,War-Saxaafadeed ey soo saareen goor dhaw Xildhibaanadda Labada Aqal ku metela Jubaland ee BJFS ayey ku Cambaareeyen falka Foosha Xun ee maanta ka dhacay magaaladda Kismaayo waxa eyna eeda falkaasi dusha ka saareen Madaxweynaha uu xilkiisu dhammaaday ee Axmed Madoobe,iyagoo sheegay in cidda weerartay Madaxweynaha Cusub iyo Siyaasiyiinta ku sugan Kismaayo ey yihiin ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe.

ISHA-BBC.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

DABLE KU MARQAATI FURAY TALIYIHIISA..

Next
Next

BAARLAMAANKA JFS OO ANSIXIYEY XEERKA DOORA…