ASKERI ISRAA’IILI AH OO LAGU DILAY BARIGA QUDUS.

CIIDAMADDA ISRAEL.

(QUDUS)-Nin ka mida ciidamadda booliska Israel ayaa la dilay maanta oo Isniin ah ka dib markii lagu weeraray mindi, weerarka ayaa waxaa gaystay wiil reer Falastiin ah oo ku nool dhulka lagala wareegay dadka reer Falstiinee dhaca bariga Qudus, sidaas waxaa sheegay booliska,marka ey bilaabanayeen rabshadaha booliska Israel ayaa weday hawlgal lagu baacsanaayo dadka reer Falastiin. Askeriga booliska reer Israel ah ayaa la mindiyey galabnimadii Isniinta waqti uu raadinaayey bas uu u raaco bariga Qudus ee xerada Qaxootiga ee Shuweyfaat, sidaas waxaa sheegay sarkaal boolis ah,weerarkaan ayaa loo xiray wiil reer Falastiin ah oo 13-jir ah kuna sugnaay xerada Qaxootiga.

ISHA WARKA RFI.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DAGAALKA LAASCAANOOD OO GALAY…

Next
Next

250-TAHRIIBEYAAL AH OO LAGU QABTAY…