ALSHABAAB OO LAGA XUREEYEY DEGAANO KA TIRSAN SH/DHEXE.
GOOBIHII ALSHABAAB LAGA XUREEYEY.
(JAWHAR)-Maalmihii la soo dhaafay waxa abaabul xoogan oo looga soo horjeedo kooxda Alshabaab uu ka socday degmada Cadale ee gobolka Shabeeladda Dhexe abaabulkaas ayaa waxaa hor kacaayey sarkiil ciidamadda ka tirsan,xildhibaano,masuuiyiin degaanka ka soo jeedo iyo madaxweynaha H/shabeele mudane Cali Guudlaawe.Hawlgal eey sameeyeen ciidamadda dawladda federaalka soomaaliyeed ayaa waxaa gacanta kooxda Alshabaab laga xureeyey dhul aad u baaxad weyn eeyna ka mid yihiin Warciise,qoordheere iyo Jilableey oo dhamman ka wada tirsan gobolka shebeeladda dhexe,hawlgaladaan ayaa waxaa hogaaminaayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole,Gudoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan iyo Boonow.
ISHA WARKA SB-MEDIA.