ALSHABAAB OO DHUL LAGA XOREEYEY.

CIIDAMADDA XDS OO KU SUGAN DEGAANKA WABXO.

(MUQDISHO)-Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa kooxda Alshabaab ka qabsaday magaalo Istaraatiiji ah kana tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,magaaladaan oo la yiraahdo Wabxo ayey kooxda Alshabaab maamulaysay muddo dhan shan iyo toban sano ah.Sida uu warbaahinta la wadagay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen,Caanood degaanka Wabxo ayaa kooxda Alshabaab u ahaay difaac eey ka difaacayaan xaruntooda ugu weyn ee ku taalo degmada CeelBuur,Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo dadka degaanka ayaa kooxda Alshabaab waxa ey ka xureeyeen dhul baaxadiisu dhan tahay 250-kiilomitir oo isku wareeg ah kana wada tirsan Gobolka Galgaduud waxaane dhulkaasi ka mida tuulooyinka kala ah Warxoolo,Ceelboore iyo CeelGorof.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA MASAR OO DIB U SOO CELIYEY…

Next
Next

SOOMAALIDA IYO DOORASHADII SHALAY EE DALKA MARAYKANKA.