SOOMAALIDA IYO DOORASHADII SHALAY EE DALKA MARAYKANKA.
SAWIRADA SOOMALIDII KU GUULAYSATAY DOORASHADDII SHALAY KA DHACDAY DALKAASI MARAYKANKA.
(USA)-Doorashada xilliga dhexe ee dalka Maraykanka ee dhacday shalay oo Talaada ahayd kuna beegneed 8/11/22-ka ayaa waxaa ka qeybgalay Musharaxiin Soomali-Maraykan ah,Musharaxiintaan ayaa u tartamaayey xilal kala duwan kalana ah heer Degmo,heer Gobol iyo heer Federaal. Gobolka ey u badan tahay Soomaalida degan dalka Maraykanka ee ah Gobolka Minnesota ayaa waxaa u tartamay ilaa 12-Musharax oo Soomaali-Maraykan ah,Goboladda kale sida Ohio iyo Maine ayey Soomalidu ka galeen tartanka.Dadka ku soo baxay doorashadii shalay ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalka Marayakanka ayaa waxaa ka mida Ilhan Cumar kana tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ee hadda haayo talada dalka Maraykanka waane markii seddexaad ey Ilahan ku soo baxdo kursigaan heer Federaalka ah,Samakaab xuseen,Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ayaa loo wada doortay wakiilo ka tirsan Aqalka Hoose ee Gobolka Minnesota,Zaynab Maxamed ayaa ayadana loo doortay Senatar Aqalka Sare ee isla Gobolka Minnesota waane markii ugu horeysay oo qof Somali-American ah xilkaan loo doorto waane gabadha ugu da’da yar kana mid noqoto Aqalka Sare,Cumar Faatax ayaa isna loo doortay Aqalka Sare ee Gobolka Minnesota,Fatxiya Feerayare ayaa ayadan loo doortay ineey ka mid noqoto Gudiga Dugsiyadda Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka. Haddii aan gudbo Gobolka OHIO ahne Gobolka labaad eey degan yihiin Soomaalida ugu badan dalkaasi Maraykanka ayaa isna waxa Aqalka Wakiilada Gobolkaas ku guulaystay Ismaaciil Maxamed iyo Muniira C/laahi,ugu dambayntiina Gobolka Maine ee dalkaasi maraykanka Aqalkiisa Sharci Dejinta waxaa ku biiray Maana Cabdi oo lala tartamin iyo Deeqa Dhalac waxa eyna gabdhahaan ku soo kala bexeen doorashooyinkii ka kala dhacay Portland iyo Lewiston.
ISHA WARKA VOA.