Alshabaab mase….

fayte.jpg

Magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ah magaalo eey dhacaan dilal kala duwan oo loo gaysto dad shacaba,masuuliyiin iyo saraakiil la tirsan ciidamadda dalka,shalay oo ahayd Isnii kuna beegneed 27/7/2020-ka ayaa waxa uu dil ka dhacay agagaarka terebuunka dilkaas ayaa loo gaystay sargaal ka tirsan ciidamadda booliska soomaaliyeed magaciisana lagu soo koonay Fayte,dilkas ayaa waxaa wax ka qoray boggaga internet-ka ku jira kana hadlo arrimaha soomaaliya gaar ahaan boga ALLBANAADIR.COM,waxaa iyana ka hadlay dilka sargaalkaas warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab waxa eeyna sheegatay in dilkaas eey fuliyeen mujaahidiin ayaga ka tirsan. Hadaba ujeedka qoraalkaan aan ka leeyahay ayaa ah inaan idiin soo bandhigo dilka shalay loo gaystay sargaalka ka tirsan ciidamadda booliska waxa uu salka ku haayo iyo cidda fulisay dilkaas iyo sheegashadda Alshabaab waxa eey ka macna tahay.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa Fayte Maxamed Aadan(Cagacadde) waxa uuna taliye u ahaay ciidamadda ilaaladda ka ah koontarooladda magaaladda Muqdisho,waxa uuna ka mid ahaay sarkiishii laga soo wareejiyey ciidamadda nabsugida laguna deray ciidamadda booliska,dilka sarkaalkan ayaa waxaa fuliyey askeri ka tirsan ciidamadda milketeriga soomaaliyeed kuna hubaysnaay qoraga loo yaqaano Ak47 waxa uuna sargaalka oo saarnaay gaari nuuca raaxada ah ku dhuftay lix xabadood,askeriga fuliyey dilka qorshaysan ayaa waxaa la socda laba askeri oo ayagana ka tirsan ciidamadda mileteriga soomaaliyeed waxa uuna ahaay dilka sargaalka mid shirqool ah,faahfaahintii ugu dambaysay dilkaas oo la helay ayaa shegayso inuu dilku ahaay mid la xiriira aano qabiil ee uusan ahayn mid u dhexeeyo sargaal iyo askeri,waxaane suuragal noqotay in ciidamadda amaanka gacanta ku soo dhigeen seddex ruux oo laba ka mid ah eey yihiin kuwa la socday askeriga dilka gaystay hal qof oo gaariga la saarnayd sargaalka la dilay,waxaane la sheegay inuu jiro askeri seddexaad kana tirsan ciidamadda mileteriga lana socday askeriga dilka gaystay balse baxsaday.

Warbaahinta Alshabaab oo ayadana ka hadashay dilkaas ayaa tiri”Xoogag ka tirsan Alshabaab ayaa maanta gelinkii dambe waxa eey bartamaha Muqdisho ku dileen Col.Fayte oo ahaay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Hodan ee maamulka gobolka banaadir”,hadaba meeshaan ayan waxa aan kala soo bixi karnaa in sheegashadda Alshabaab ee dilkaan iyo kuwa kale oo la mida eey sheegtaan Alshabaab ineey yihiin kuwa sheegashadooda loo lacageeyey macnaha dilka ayaa ah mid ah aano qabiil si loo qariyo loona aqoon waayo cidda fulisay ayaa waxaa lagala xiriiraa alshabaab si eeyu sheegato waayo cidda eey dilaan ayaa ah midaan la iska warsan halkeedana looga tago.

Previous
Previous

Beesha caalamka oo ka…

Next
Next

Tahriibayaal la soo..