AFAR EDEYSANE OO LA HORKEENAY MAXKAMADA G/BANAADIR.
(SAWIRKA)-EEDEYSANAYAASHA LA SOO HORTAAGAY MAXKAMADA G/BANAADIR.
(MUQDISHO)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ee magaaladda Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga bilawday dhegaysiga dacwad loo haysto masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya,masuuliyiintaan ayaa ku edeysan iney ku keceen Musuq-maasuq waqtigii ey joogeen goobahooda shaqada. Masuuliyiinta maanta oo Khamiis ah(20/7/23)-ka Maxkamada la soo hortaagay ayaa dhammaantood waxa ey ka wada tirsan yihiin Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta qaabilsan fiisooyinka la siiyo dadka Ajnabiga ah ee soo gala Soomaaliya. Hadba masuuliyiinta la horkeenay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa kala ah: (1)-Cumar Macallin Nuur,waxa uu ku edeysan yahay inuu Lunsaday lacag dhan $7-Milyan. (2)-C/laahi Maxamuud Cosoble,waxa uu ku edeysan yahay inuu lunsaday lacag dhan $560,500. (3)-Saabir Xasan C/nuur,waxa uu ku edeysan yahay inuu Lunsaday lacag dhan $482,730. (4)-Adan Maxamed Cabdi,waxa uu ku edeysan yahay inuu Lunsaday lacag dhan $88,640. Garyaqaanadii u doodaayey edeysanayaasha ayaa ka biya diiday qaabka loo soo gudbiyey dacwada,maxakamda ayaa dib la isugu soo laaban doonaa wsaqti aan la sheegin.
ISHA/SBMEDIA.