DALKA INDONISIYA OO XIRAY 12-QOFOOD…

(SAWIRKA)-QOF LAGA SOO BAXAY KILIDDA.

(JAKARTA)-Dawladda Indonisiya ayaa xabsiga u taxaabtay 12-qofoofd ey ku jiraan boolis iyo saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka dalka Indonisiya,dhammaan dadkaan la soo xiray ayaa kuwada edeysan iney tahriibiyeen 122-qofood waxa eyna dadkaan u tahriibiyeen dalka Kaamboodiya si halkaasi ugu beeciyaan kilyahooda,sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan dawaladda Indonisiya,maanta oo Khamiis ah(20/7/23)-ka. Dhammaan dadka la xiray ayaa ku edeysan iney ku xadgudbeen sharciga sameeyeena ganacsiga suuqa madaw waxa eyna mudan doonaa xabsi dhan15-sano iyo ganaax gaaraayo 600-Milyan oo Rubiga Indonisiya ah una dhiganta $40,040,waa haddii ey ku cadaato edeynta loo soo jeediyey.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

AFAR EDEYSANE OO LA HORKEENAY MAXKAMADA G/BANAADIR.

Next
Next

CABSI SOO WAJAHDAY SOOMALIDA FINLAND JOOGTA.