ABWAAN NEGEEYE CALI KHALIIF OO SOO HADLAY…
(SAWIR)-ABWAAN NEGEEYE.
(MUQDISHO)-Waxa aan maqalnaa Horjooge ka tirsanaay Kooxda Alshabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed laakinse hadda waxaa soo korortay arrin Ugub ah dadka intiisa badane eysan la socon. Negeeye Cali Khaliif waxa uu Barre ka ahaay Jaamicadda Ummadda Soomaaliyeed in mudda ah,waxa uu ku dhex jiray Hayadaha Dawladda Federaalka Sooaaliyeed,waxa uu ahaay nin Gabya tiryeyne Gabayo fara badan,sannadkii 2017-kii ayuu ka yimid Soomaliland una soo guuray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,ma ahayn nin ey hayso dhaqaale xumo oo duruufaysan oo dakhli heer sare ah ayuu ka heli jiray Hayadaha Waxbarashada dalka gaar ahaan Jaamicadda Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shaqeyn jiray. Abwaan Negeeye oo caan ka ahaay baraha bulshada ayaa la waayey muddo dhan boqol maalmood laakinse Abwaanka ayaa maanta bixyey waraysi uu kaga hadlay sababta uu uga tegay shaqadiisii iyo halka uu hadda ku sugan yahay,ma maleyneysaa in Abwaab barre Negeeye uu ku biiray kooxda Alshabaab uuna hadda ku suagan yahay JILIB,Sababta uu baxsaday maxay tahay? Hayadda NISA ayaa waxa ey ka war heshay in Abwaan Negeeye la shaqeyo kooxda Alshabaab aaminsan yahayne fikirokkda Xagjirka ah,waxaane jiray shakiyo badan oo horay looga qabay in Abwaan Negeeye aaminsan yahay fikirka Alshabaab ka dib markii la dhegaystay Gabayadiisa.
ISHA/HIIRAAN.