GADOODKA KA SOCDO BOOSAASO MUXUU U DHIMI KARAA DENI?

(SAWIRKA)-WADADA EY XIRTEEN CIIDAMADA GADOODSAN.

(BOSAASO)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Bari Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegayo in ciidamo Gadoodsan Mushaar la’aan iney maanta oo Arbaca ah 7/2/24-ka xirteen jidka Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari. Ciidamadaan ayaa ah kuwa lagu soo tababaray dalka Eritereeya waxa eyna gebi ahaanba joojiyey isu socodka Garoonka Diyaaradaha iyo magaaladda Boosaaso. Ciidamadaan Gadoodsan ayaa deganaay xero u dhaw Garoonka Diyaaradaha magaaladda Bosaaso,sababta keentay iney ciidamaddan Gadoodaan ayaa lagu sheegay iney tahay Mushaar la’aan haysay in muddo ah waxaane loo aaneynayaa in dhaqaalihii maamulka Puntland lahaay in dawladdii Deni ey u isticmaashay Doorashada uu mar kale Madaxweyne ku noqday Siciid Deni. Qaarka ka mida askarta Gadoodsan lana hadlay Warbaahinta Boosaaso ayaa sheegay iney shalay la kulmeen masuuiyiin ka tirsan dawladda Puntland loona sheegay in Mushaarkoodu uu u soo dhici doono maanta oo Arbaca ah balse balantaasi ey noqotay mid been ah laguna khiyanay askarta dooneysay Xuquuqdooda ka maqan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

ABWAAN NEGEEYE CALI KHALIIF OO SOO HADLAY…

Next
Next

YAA KA MASUUL AH QARAXYADII KA DHACAY SUUQA BAKAARAHA?