MUQDISHO: DADKEEDU GOORMEEY GARAN DOONAA INEY TAHAY…?
(SAWIRKA)-GACAN KU DHIIGLE SIID CALI.
(MUQDISHO)-Marka aad tahay shaqsi ku nool caasimadda Muqdisho waqtigaan la joogo waa laga yaabaa iney agtaada caadi ka yihiin waxyaabo fara badan oo dadkii magaaladda Muqdisho deganaay 40-sano ka hor ey la yaabayaan haddii ey maqlaan amaba ey arkaan markey dhacayeen. Magaaladda Muqdisho hadda waxaa ku yaalo 18-degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo dhawr degaan oo ku yaalo hareeraha caasimadda Muqdisho balse raacsan Gobolka Banaadir maamul ahaan,Isticmaalka Maadooriyaha waa kan ugu waxyeelada badan caasimadda Muqdisho waqtigaan, Dheelidda Qamaarka Internet-ka ee loo yaqaano 1XBET isagana waxa uu qeyb ka yahay waxyaabaha bulshada reer Muqdisho dhibanaha u tahay,Ka ganacsiga jirka Gabdhaha da’ayarta ah waa iska caadi Muqdisho oo looma arko iney tahay Anshax xumo laakinse intaas aan soo sheegay 40-sano ka hor lagama aqoon caasimadda Muqdisho Qaadka ayaa ahaay kan ugu xun ee bulshada dhibka ku haayey dawladane ey la dagaali jirtay,waa maxay sababta aan intaas u soo qaatay? Maalmo ka hor waxa aan idinla wadaagay nin Gubay Xaaskiisa dabadeedna ka baxsaday goobtii uu ku gubay Xaaskiisa,Siid Cali waa ninka Gubay Xaaskiiska AUN-Luul C/casiis waxaane Siid Cali laga soo qabtay Gobolada dhexe ee dalka waxa uu hadda ku sugan yahay Xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho,Eedeysane Siid Cali waxa uu ka mid ahaay dhallinyarada cayaarta Qamaarka 1XBET ee Online-ka ah waxa uuna ku khasaaray lacag dhan $13-kun oo doolarka Maraykanka ah,Siid Cali damaca ayaa waxa uu ka galay inuu iibsado Dahabka ey leheed Xaaskiisa balse waa ey ka diiday waxa eyna u carartay Guriga Aabeheed waxa eyna u sheegtay in ninkeeda(Siid Cali) yahay nin cayaaro Qamaar 1XBET uuna ku soo Khasaaray hadane uu rabo inuu Iibsado Dahabkeeda Aabe C/casiis oo ilaalinaayo shareecadda Islaamka ayaa Gabadhiisa Luul ku soo celiyey Gurigeeda si ey reerkeeda u dhaqato. Nasiib darro AUN-Luul oo loo soo celieyey gurigii ey uga carartay Siid Cali ayaa waxa ey wajahday handadaad markii dambe isu bedeshay gacan ka hadal dhexmaray ayada iyo Odaygeeda Siid Cali,waxaane dhacday in Siid Cali Go’aansaday inuu Gubo Guriga gaar ahaan halkii uu ku ogaay Dahabka AUN_Luul,Gaas iyo dab ayuuna qabadsiiyey halkii uu yiilay Dahabka ey leheed Mraxuumada LUUL,markii ey Luul isku dayday iney soo badbaadsato Dahabkeedii Siid Cali Qolkii oo Holcaayo ayuu Dusha uga Xiray Marxuumad LuuL halkaas ayeyne Marxuumadu ku bislaatay ilaa dadkii deriska ahaay uga soo gurmadaan. Gacan ku dhiigle Siid Cali waa xukun suge la horkeeni doono cadaaladda sida muuqatana xukunkiisu uu noqon doono DIL TOOGAHSA ah. Hadaba Caasimadda Muqdisho ma waxaa isugu yimid kuwa aan u ehel ahayn caasimadda mase dadkeedii ayaa dayacay oo duur cidla ah ayaa rag ka heleen?