8-DIBLOMAASI OO GIRIIG AH OO LAGA CEYRIYEY…
SAFAARADA GIRIIGA EE MOSKO.
(MOOSKO)-Maanta oo Isniin ah dawladda Ruushka waxa eey dalkeeda ka ceyrisay sideed diblomaasiyiin oo Giriig ah ka gadaal markii laga dareemay ineey samaynayaan dhaqdhaqaaq ku lid ah Ruushka.War ka soo baxay wsaaradda arrimaha dibadda dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in loo yeeray safiirka dalka Giriiga u fadhiyo Ruushka Amb.Ekatirin Nasika waxaane si deg deg ah loogu gudbiyey go’aan adag kuna saabsan iska horimaadka u dhexeeyo Ruushka iyo Giriiga waxaane iska horimaadkaas qeyb ka ah hubka uu dalka Giriiga u tahriibiyo dalka Yukrayn ee dagaalku kala dhexeeyo Ruushka,waxayna arrintaan bilawga ah raad fiican ku yeelan doontaa diblomaasiyiinta Ruushka kuna sugan magaaladda Athens ee dalkaasi Giriiga.
ISHA WARKA AA.