60-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH AYAA LAGU DILAY…

(SAWIRKA)-MALEESHIYADKA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in la isku fara saaray degaanada kala ah Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo degaanka God Dhurwaa kana tirsan degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud maamulka Galmudug. Kooxda Alshabaab oo hadda wajayahsa culaysyo kala duwan ayaa hadda bilawday iney qaado weeraro ey doonayso iney ku wiiqdo awooda Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga degaanka oo iskaashanayo,subaxnimadii maanta oo Axad ah(10/9/23)-ka ayey kooxda Alshabaab waxa ey weerar seddex geesla ah waxa ey ku qaaday degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose saacadu markeey ahayd 3:00-subaxnimo,weerarka kooxda sida caadiga u ahayd waxa uu ku bilawday Qarax lagu dhuftay albaabka hore ee xerada ey deganaayeen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed Qaraxa ka dibne waxaa bilawday dagaal foolka fool una dhexeyey Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo maleeshyaadkii Alshabaab ee soo qaaday weerarka,Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo helay gurmad dhulka iyo cirka ah ayaa u awood sheegtay cagtana mariyaan maleeshiyaadkii kooxda ee soo weeraray kuwaaso la gaarsiiyey khasaaro naf iyo maalba leh. Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya Caanood,waxaa kooxda Alshabaab laga dilay 60-dagaalyahan iyo dhaawac aan weli la helin tiradiisa saxda ah,waxaane kooxda laga qabsaday hub kala duwan eyna ka mid yihiin”11-dabajeex,100-AK47,13-Seben iyo 7-dhashiike”. Dhinaca kale,wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaayo in degaanada God-Dhurwaa iyo Ceel Cali Mire kana wada tirsan Bulacle uu ka dhacay weerar dhinac cirka ah,waxaane weerarka lala beegsaday goob ey kooxda Alshabaab ku ururinaysay maleeshiyaad weerar ku qaada degaan maalmo ka hor laga qabsaday kooxda Alshabaab ee Ceel laheley,goobta la duqeeyey ayaa waxaa ku sugnaay sida la soo sheegay maleeshiyaad gaaraayo ilaa 150-maleeshiyo una badan dhallinyaro si xoog ah looga soo qafaashay ehelkooda mana la ogo ilaa hadda inta uu la eg yahay khasaaraha soo gaaray kooxda Alshabaab.

ISHA/SB-MEDIA

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

WANLE WEYN: ALSHABAAB OO GUBTAY TUULOOYIN.

Next
Next

MUQDISHO: ASKERI ATMIS AH OO MINDI LAGU DILAY.