MUQDISHO: ASKERI ATMIS AH OO MINDI LAGU DILAY.

(SAWIRKA)-MADIINA GATE EE XALANE.

(SOMALIA)-Wararka ka imaanayo dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho uu maanta ka dhacay dil aan la aqoon waxa u sabab ah,dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Albaab ka mida alabaabada laga soo galo Xarunta sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane gaar ahaan Albaabka loo yaqaano Madina Gate. Dilka ayaa dhacay ka dib markii nin aan da’adiisa,magaciisa iyo waxa uu yahay aanan weli la sheegin uu Mindi ku dilay askeri ka mida ciidamadda Atmis una dhashay dalka Ugaandha ilaalana ka ahaay Madina Gate,askeriga la dilay saaxibkiis oo hareer taagnaay ayaa isagana toogtay ninkii Mindida ku dilay saaxibkiis waxaane ilaa hadda aan qoraayo qoraalkan goobta yaalo labadii Meyd kalana ah Askeri Ugaandhees ah iyo nin Soomaali ah,waxaane hadda muran u dhexeeyaa Hayadda Dembi Baarista Soomaaliya(CID) iyo masuuliyiin ka socoto Atmis una qaabilsan baarista dembiyada,waxaane la isku hayaa qaabka arrinkaan baaristeeda loo wajahaay si loo soo saaro natiijo ey ku wada qancaan labada dhina. Dhinaca kale,waxaan la qoonsan wejiga qofka Soomaaliga ah waxayna hayadaha amaanku sheegeen iney baadi goobayaan cid taqaano ninkaan la toogtay.

ISHA/SB-MEDIA.

MUQDISHO/SOMALIA

Previous
Previous

60-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH AYAA LAGU DILAY…

Next
Next

YAA DILAY DR.ZAKARIYE?