WANLE WEYN: ALSHABAAB OO GUBTAY TUULOOYIN.

(SAWIRKA)-TUULOOYINKII EY GUBEEN KOOXDA ALSHABAAB EE DEGMADA WANLE WEYNE EE SHABEELADA HOOSE.

(WANLE-WEYN)-Wararka ka imaanayo degmada Wanle Weyne ee Gobolka Shabeelada hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi ey maleeshiyaadka kooxda Alshabaab dab qabadsiiyeen tuulooyin dhawr ah,Wasiirka Caafimaadka ee DFS Dr.Cali Xaaji iyo Xildhibaan Caanooy ayaa cambaareeyey dhacdadan waxa eyna masuuliyiintaan tilmaameen in kooxda Alshabaab tahay koox waxuush ah cadawne ku ah nolosha dadka shacabka ah ee dega tuulooyinkaas. Wasiirka caafimaadka DFS Dr.Cali ayaa sheegay in tuulooyinka ey kooxda arxanka daran ee Alshabaab ey gubeen tuulooyinka kala ah”Daabaa,Guudweyn,Madax-maroodi,Ceel-baraf,Laamiloxshile,Showli-mareer iyo Showli-Afweyne”oo dhammaan ka wada tirsan Leego,Yaaqi-biri Weyne iyo Goobaanle dhammaantood ayaa hoostaga degmada Wanle-weyne ee Gobolka Shabeeladda hoose ee maamulka KGS.

ISHA/SB-MEDIA.

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

WAA KUMA FU’AAD SHONGOLE? XAGEE AYUUSE JOOGAA HADDA?

Next
Next

60-MALEESHIYO OO ALSHABAAB AH AYAA LAGU DILAY…