44-QOFOOD OO LAGU DILAY…

DALKA BURKINO FASO.

(AFP)-Afartan iyo afar qofood oo shacab ah ayey dileen koox Argagixisa ah gudaha laba tuulo oo ku yaalo Waqooyi-Bari dalka Burkiino Faaso tuulooyinkaas ayaa u dhaw xuduuda ey Burkiino Faso la leedahay dalka Nijer,sidaas waxaa maanta oo Sabti ah sheegay gudoomiyaha gobolka. Tirada dhimashada ee hadda la shaaciyey ee ku meel gaarka ah kana dhalatay “Weerarka Xaasidnimada iyo cawaanimada”ahaay ee lagu bartilmaameedsaday tuulooyinka Kourakou iyo Tobdobi ee Waqooyi-Bari dalka Burkino Faso habeen barkii Khamiista waxaane weerarkaasi lagu dilay 44-qofood oo shacab ah waxaane laguna dhaawacay tiro kale oo dad ah,sidaas waxaa sheegay Rodolphe Sorghe oo ah Laba xidigel gudoomiye ka ah gobolka Saaxil.

ISHA WARKA AFP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

CUDURO KA DHASHAY DHULKA SOOMAALIDA…

Next
Next

MW-XASAN OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…