MW-XASAN OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…
MW-XASAN SHEEKH IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA FINLAND PEKKA HAAVISTO.
(MUQDISHO)-Wasiiraka Arrimaha Dibadda dalka Finland Pekka Haavisto oo hadda booqasho ku joogo dalka Soomaaliya ayaa shalay oo Jimca ahayd sheegay in dalkiisa(Finland) uu dalka Soomaaliya ka kaalmeyn doono gacana ka gaysan doono dadaalka ey Soomaaliya ugu jirto horumarinta Dimuqaraadiyadda iyo deganaanshaha dalka iyo ciribtirka Faqriga ka jiro dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto shir jaraa’id uu ku qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ka sheegay iney is arkeen Madaxweynha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane-Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiiradda Arrimaha dibadda Abshir Jamac iyo Wasiirka degaanka iyo cimiladda Xildhibaanad Khadiija Al-Makhzumi.
ISHA WARKA DF.