CUDURO KA DHASHAY DHULKA SOOMAALIDA…
DAADAKII KU SOO ROGMADAY DHULKA SOOMAALIDA ITOOBIYA.
(JIGJIGA)-Tan iyo markii uu xukunka dalka Itoobiya qabtay Reysal Wasaare Abiy Axmed waxaa Itoobiya ka dhacaayey dagaalo salka ku haayo Qoomiyado kala gedisan tusaale ahaan Qowmiyadda Soomaalida ah iyo Qowmiyadda Cafarta waxaa dhexmaray dagaalo ey dad fara badan ku hoobteen welina ka socda gudaha dalka Itoobiya,dagaaladaan ayaa salka ku haayo dhul boob ey wadaan Qowmiyadaha Amxaaradda iyo tan Cafarta,xukuumadda Abiya oo ayadu ah mid si weyn u taageerto Qowmiyadda Oromada uu isaga ka dhashay ayey yar tahay dhibaatada ka soo gaarto dagaaladaan soo noqnoqday ee dhexmara Qawmyadaha Itoobiya. Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa hadda wada hub ka dhigis ey ku sameynayso ciidamadda maamuladda ayada hoos taga ka dib markii uu dhacay dagaalkii lagu riiqday ee dhexmaray dawladda dhexe ee Itoobiya iyo Ururka TPLF ee Waqooyiga Itoobiya,hadaba wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo goblka Soomlidu degto ee dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka de’een roobab xoogan waxaane ka dhashay Daad qaraasara gaystay iyo cudurka Shuban calooleedka(Cholera).
ISHA WARKAADDIS STANDARD.