36-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO KU DHINTAY XEEBAHA JABUUTI.

(SAWIRKA)-KA TAHRIIBAYAAL.

(JABUTI)-Wararka ka imnaayo dalka Jabuti ayaa sheegayo in Hayadda Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobe ee marka la soo gaabiyo loo qoro(IOM) ayaa sheegtay in ugu yaraan 38-qofood oo Tahriibayaal ah oo ey ku jiraan Caruur iyo Dumar ey ku dhinteen Dooni kula Degtay xeebaha dalka Jabuuti. Hayadda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qofood oo kale la la’ayahay loona maleynaayo iney dhinteen, 22-qofood oo ka badbaadayne ey caawinayaan hayadda IOM iyo maamuladda degaanka. Ynonne Ndege oo ah afhayeenka Gobolka ee Hayadda IOM ayaa sheegtay in doonidda degtay ey ku degtay meel 200-Mitir u jirta dalka jabuuti,waxaane doonidda la socday dad tahriibayaal ah oo ka soo ambabaxay dalka Yeman abaarihii 2-dii Duhurnimo ee waqtiga dalka Yeman taariikhduna ey ahayd 8/4/24-ka. Doonta ayaa degtay laba saac ka dib markii ey ka soo baxda dalka Yeman iydoo ey saarnaayeen ilaa 66-qofood oo u badan dad ka soo jeedo Gobolka Geeska Afrika. Waxaa la rumaysan yahay iney u badan yihiin dad u dhashay dalka Itoobiya . “Sannad walba tobanaan kun oo muhaajiriin ah ayaa ka taga Gobolka Geeska Afrika,gaar ahaan kuwa ka imanaayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaaso isku dayaayo iney gaaraan dalalka Khaliijka Carab”ayey tiri Yvonne Ndege.

ISHA/IOM.

RIIX HAKAN.

Previous
Previous

MW-XASAN OO MAANTA LA CIIDAY AGOONTA CXDS.

Next
Next

MW-XASAN OO JEEDIYEY KHUDBAD XASAASI AH.