30% AYU KORDHAY HUBKA ISRAEL DHOOFISO.

HUBKA ISRAEL DIBADDA U DIRTO.

(QUDUS)-Marka laga hadlaayo suuqyada hubka caalamka waxaa isla markiiba soo xusuusaneynaa Tahriibinta hubka loo tahribiyo wadamadda uu ka jiro dagaaladda sokeeye sida dalalka Yemen iyo Soomaaliya kuwaaso marar badan la qabtay hubka suuqa madaw ah oo ku socday dalalkaas,hubkaan tahriibka ah ayaa waxaa laga soo daabulaa wadamo aan la aqoon waxaane la soo saaraa maraakiib aan wadan calaamado caalami ah amaba waxaa la soo saaraa doomo ganacsi,hadaba Israel hubka ey dibadda u dhoofiso ayaa sameeyey sare u kac la dareemi karo sannadkii la soo dhaafay 2021-kii sida laga soo xigtay warbaahinta Israel maanta oo Talaada ah. Sida lagu arkay shaxda Wasaaradda Difaaca Israel iyo Agaasimaha Iskaashiga Difaaca Caalamiga ah ayaa la arkay hubka ey isticmaalaan ciidamadda Militeriga iyo hayadda amniga ey Israel dibadda u dirtay inuu kordhay boqolkiiba sodon(30%) sannadkii tegay 2021-kii,sidaas waxaa daabacay Wargayska HAARETZ kana soo baxa Israel.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA TURKIGA OO QEYB KA NOQDAY DALALKA…

Next
Next

ILHAN CUMAR OO KA HADASHAY…