DALKA TURKIGA OO QEYB KA NOQDAY DALALKA…
QARAMADA MIDOOBAY.
(UN)-Tan iyo sannadkii 1992-dii dalka Soomaaliya waxaa saaran cunaqabateyn dhinaca hubka ah,sababta Soomaaliya loo saaray cunaqabateynta hubka waqtigaas ayaa ahayd inuu ka socday dagaal sokeey una dhexeeyey Qabiiladda wada dega dalka Soomaaliya,cunaqabateynta hubka ayaa soo socotay muddo dhan sodon sano oo xiriir ah,dalka Soomaaliya ayaa hadda leh Dawlad Federaal ah iyo Dawlad Goboleedyo xubna ka ah. Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kana kooban 15-dal ayaa 11-dal oo ka mida waxa ey todbaadkan u codeeyen in Soomaaliya aan laga qaadin cunaqabateynta hubka ee saaran ilaa 15/11/23-ka,hadaba dalka Turkiga oo aan ka mid ahayn 15-ka dal ee xubnaha ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, Turkiga oo ah dal Soomaaliya ka taageero dhinayo badan gaar ahaan tababarada ciidamadda hadana waxa uu dalka Turkiga qeyb ka yahay la dagaalka dawladda Federaalka kula jirto kooxda Alshabaab.
ISHA WARKA AA.