DAWLADDA CIRAQ OO BEENISAY IN SARAAKIIL…
(SAWIRKA)-BOOLISKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq ayaa beenisay Talaadada maanta ah iney siisay xuquuqda deganaansho oo ku meel gaar ah sababo bani’adanimo,tiro saraakiil ah iyo hogaamiyeyaashii ciidamadda xukuumaddii Bashaa AL-Asad ee dalka Suriya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq S/Guuto.Muqdaad Miiri ayaa war qoraal ah ey daabacday Warbaahinta ayu ku yiri”Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa lagu faafiyey warar ku saabsan maamulka Dawladda Ciraaq inuu siinaayo xuquuqda deganaasho oo ku meel gaar ah sababa bani’adanimo awgeed”,tiro saraakiil ah iyo hogaamiyeyaal ka tirsan ciidankii hore ee dalka Suriya kuwaaso megengalyo ka helay dalka Ciraaq taariikhdu markeey ahayd 7&8- Diseembar-2024-ka,iyadoo ey soo galeen xoogaga mucaaradka magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq. Muqdaad Miiri ayaa intaas ku daray”Mareegaha ayaa intaas ku daray in Baqdaad ey ogolaatay iney ka soo gudbaan xadka ALbukamaal ka dib markii ey hub ka dhigis ku sameyeen,in kastoo aan beenineyno gebi ahaanba warkan,waxaan xoojineynaa muhimadda ey leedahay in la ogaado xogta ilaha rasmiga ah oo gaarka ah,lagana fogaado wararka been abuurka ah. Afahayeenka ayaa carabka ku adkeeyey in “Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq eysan qaadin wax tallaabo ah oo ku saabsan bixinta degenaanshaha sabab kasta ha noqotee saraakiisha iyo Hogaamiyeyaasha ciidamaddii hore ee Suriya,iyadoo qaarkood ey isku dayayaan iney dalacsiiyeen”.
ISHA-AA.
XAMAAS OO DIB U DHUGTAY MAXAABIIS ISDHAAFSIGA.
(SAWIRKA)-ABU CUBEYDA.
(GAZA)-In kasta oo ey socdaan wada xaajoodyo ku saabsan heshiiska Marinka Gaza,Xarakadda Xamaas ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday iney dib u dhigeyso sii deynta Maxaabiista Isra’iil ilaa Isra’iil ey u hogaansanto heshiiska. Afhayeenka Guutada AL-Qasaam Abu Cubeyda ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo Isniin ah ku sheegay in Xarakadda Xamaas ey Go’aansatay iney dib u dhigto isdhaafsiga Maxaabiista ilaa amar dambe. Waxaa kale oo uu intaas ku daray Abu Cubeyda in Maxaabiista loo qorsheeyey in la sii daayo sabtida soo socoto ey bishu tahay 15-ka Feberaayo-2025-ka,laakin Isra’iil ayaan fulin,isaga oo carabka ku adkeeyey in Xarakadda Xamaas ey ka go’an tahay iney fuliso qodobada lagu heshiiyey. Abu Cubeyda ayaa Isra’iil ku eedeeyey iney dib u dhigeyso soo celinta Barakacayaasha,waxa eyna la beegsadeen duqeymo iyo iney dib u dhigeyso gaarsiinta saadka gudaha Gaza,waxa uuna carabka ku adkeeyey in Xarakadda Xamaas ey ka soo baxday dhammaan waajibaadkii saarnaay. Arrintaan ayaa timid ka dib markii Xarakadda Xamaas ey gacanta ka saartay Hayadda Laanqeerta Casa seddex Maxbuus oo Isra’iil ah kuwaaso ah qeybtii shanaad ee Maxaabiis isdhaafsiga Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil iyo xabad joojinta,waxaa weli dhiman iney qoysaskooda dib ugu laabtaan ilaa 73-Maxbuus kuwaaso asala ahaan ahaay ilaa 251-Maxbuus oo reer Isra’iil ah,dhammaan dakaan ayaa la soo wada xiray ka dib markii uu dhacay weerarkii ey Xarakadda Xamaas ugu magac dartay DUUFAANTA AL-AQSA’A kaaso dhacay 7/10/2023-kii. Iyadoo kooxda Isra’iil uga wakiilka ah wada hadaladda Xamaas ey dib ugu laabteen caasimadda dalka Qadar ee Dooxa si ey wejiga koowaad ee heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo laabtay Isra’iil,iyadoo berri oo Talaada ah lagu wado in Golaha Amaanka Isra’iil iney yeeshaan shir ey uga arrinsanayaan wejiga labaad ee heshiiska. Waxaa xusid mudan in heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas uu dhaqan galay 19-kii bishii Janaayo-2025-ka ka dib markii uu dhacay dagaal socday muddo dhan 15-bilood kaaso geystay khasaare aad u fara badan,heshiiska ayaa ka kooban Seddex marxaladood oo dhigaayo in la joojiyo dagaalka iyo in Isra’iil ey isaga baxdo goobaha ey dadka ku badan yihiin ee Marinka Gaza,waxaa kaloo uu tilmaamaa in wejiga koowaad uu socon doono muddo dhan ilaa lix todobaad laguna sii deyn doono Maxaabiis gaareysa ilaa 33-Maxbuus oo Isra’iil ah oo laga sii deyn doono Marinka Gaza,waxaane lagu bedelanayaa Maxaabiis reer Falastiin ah oo gaareyso ilaa 1,900-Maxbuus oo falastiiniyiin ah. Waxaane la dejiyey qorshe ah in dib loo bilaabo wada xaajoodka 16-maalmood ka dib markii uu dhaqan galay si looga wada hadlo hababka wejiga labaad ee heshiiska kaaso ujeedadiisu tahay in la sii daayo Maxaabiista ugu dambeysa ee reer Isra’iil iyo soo afjaridda dagaalka Marinka Gaza. Marxaladda seddexaad ayaa sidoo kale loo maleynayaa iney ogolaato dib u dhiska Marinka Gaza iyo qeexidda qaab dhismeedka Marinka Gaza.
ISHA-AL ARABIYA.
QARAMDA MIDOBE OO JOOJISAY SHAQADII EY KA..
(SAWIRKA)-SHAQAALE QARAMADA U SHAQEYNAAYEY OO YEMAN LAGU XIRAY.
(YEMEN)-Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku dhawaaqday in ey si ku meel gaar ah u joojisay dhammaan howlihii ey ka waday Gobolka Sacda ee dalka Yemen ka dib markii ay dhawaan xireen shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Xuutiyiinta. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa faray Hay’adaha Qaramada Midoobay inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada sababo la xiriira “Maqnaanshaha Xaaladaha Amniga ee lagama maarmaanka ah iyo dammaanad qaadyada”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Af hayeenka ka dib markii Xuuthiyiinta ay xireen “sideed shaqaale oo Qaramada Midoobay ah oo dheeri ah, oo ay ku jiraan lix ka shaqeeya Gobolka Sacda”."Tallaabadan aan caadiga ahayn ee ku meel gaarka ah ayaa lagu doonayaa in la isugu dheelitiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah joogitaanka iyo bixinta baahida loo qabo in la dammaanad qaado badbaadada iyo Amniga shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo la hawlgalayaasheeda," ayaa lagu yiri bayaanka, isagoo raaciyay "dammaanadaha noocan oo kale ah ayaa ugu dambeyntii loo baahan yahay si loo xaqiijiyo waxtarka iyo joogtaynta dadaalladayada."Qaramada Midoobay waxay ku boorisay Xuutiyiinta inay xaqiijiyaan sii deynta shaqaalaha la xiray, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in hakadku uu waqti siinayo "si loo diyaariyo sii deynta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee sida sharci-darrada ah u xiran iyo in la hubiyo in shuruudaha lagama maarmaanka ah ey jiraan si loo bixiyo taageero bini'aadanimo oo muhiim ah." "Qaramada Midoobay waxay si buuxda uga go'an inay caawiso malaayiinta qof ee ku dhibaataysan Yemen," ayay raacisay. Yemen ayaa weli waxaa ka jirta mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo iyo kuwa dhaqaale ee ugu xun caalamka, waxaana dabkan sii hurinaya dagaal ku dhawaad 10 sano socday oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Xuutiyiinta. Dagaalka Yemen ayaa galaaftay nolosha in ka badan 150,000 oo qof, waxaana uu horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun caalamka, taasoo keentay tobanaan kun oo kale oo dhimasho ah.
ISHA-AA.
URURKA JAAMICADDA CARABTA OO YEELAN DOONO…
(SAWIRKA)-URURKA JAMICADDA CARABTA.
QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in dalka Masar uu martigelin doono shir Madaxeedka Wadamadda Carabta ee lagu wado inuu dhaco 27-ka Bishaan Feberaayo-2025-ka si ey uga wada hadlaan “Horumarkii ugu dambeeyey ee Halista ah” kuna saabsan dhulka reer Falastiin, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ey soo saareen Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta maanta oo Axad ah. “Shirka Wadamadda Carabta ee deg dega ah” ayaa ku soo beegmaya xilli Masar ey waday olole ey taageero uga rabto dalalka Gobolka sidii looga soo horjeesan lahaa qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku doonaayo in dadka reer Falastiin laga raro Marinka Gaza lana dejiyo dalalka Masar iyo Urdun iyadoo la dhisaayo maaamul Maraykanku hogaaminaayo. Bayaanka soo baxay maanta ayaa lagu sheegay in isu imaatinka loogu magac daray”Ka dib la tashiyo ballaaran oo ey Masar ku sameysay heerarka ugu sareeya ee dalalka Carabta maalmihii la soo dhaafay oo ey ku jirto Falastiin oo codsatay shir Madaxeedka si wax looga qabto Horumaradii ugu dambeeyey ee halista ahaa ee ku saabsan qadiyadda Falastiin”. Taas waxaa ka mid ahaa isku duwidda dawladda Baxrayn oo hadda ah Gudoomiyaha Ururka Jaamicadda Carabta,ayaa lagu yiri bayaanka. Jimcihii la soo dhaafay ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badr C/caadhi ayaa la hadlay saaxibadda Gobolka Bariga dhexe oo ey ku jiraan wadamadda Urdun,Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta si ey uga soo horjeestaan barakicinta qasabka ah oo Falastiiniyiinta looga saaraayo dhulkooda. Todobaadkii hore ayey markii uu Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu dul-mar ku sameeyey fikaradda maamulka Maraykanka ee Marinka Gaza isagoo ku fikiraayo dib u dhiska dhulka burburay ee “Riviera of the Middle East”,ka dib markii uu dib u dejina u sameeyey Falastiiniyiinta meelo kale,sida Masar iyo Urdun. Hadalkaan ayaa dhaliyey diidmo caalami ah,waxaane dalalka Carabta ey si adag uga diideen hindisahaas,iyagoo ku adkeystay in xal laba dawladood ah lana gaaro dawladda Madax banaan oo Falastiin leedahay oo garab istaagta Isra’iil.
ISHA-AN.
XABAAL WADAREED LAGA HELAY DALKA LIIBIYA.
)SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA LIBIYA.
(LIBYA)-Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa soo saaray ku dhawaad 50 meyd ah oo laga soo saaray labo xabaal wadareed oo ku yaal saxaraha Koonfur Bari ee dalkaasi, sida ey saraakiishu sheegeen Axada maanta ah, waa masiibadii ugu dambeysay oo ey ku lug lahaayeen dad doonayay inay Yurub gaaraan iyagoo sii maraya dalka fowdada ka taagan tahay ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika. Xabaal wadareedkii ugu horeeyay oo ey ku jiraan 19 mayd ayaa Jimcihii laga helay beer ku taal Koonfurta Bari ee magaalada Kufra, Agaasinka Ammaanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay sidaas, isagoo intaa ku daray in masuuliyiintu ey u qaadeen meydadka goobtii laga baari lahaa. Mas’uuliyiinta ayaa boggooda Facebook-ga soo dhigay sawiro muujinaya ciidamo boolis ah iyo dhaqaatiir caafimaad oo ciidda ka qodaya oo soo saaraya meydad bustayaal ku duuban. Hay’adda Samafalka ee Al-Abreen oo caawisa dadka Muhaajiriinta ah ee ku sugan Bariga iyo Koonfurta Liibiya ayaa sheegtay in qaarkood la toogtay oo la dilay ka hor inta aan la aasin. Xabaal wadareed gooni gooni ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 30 mayd, ayaa sidoo kale laga helay Kufra ka dib markii ey Hayadaha Amaanka ey weerareen xarun dadka lagu tahriibiyo, sida uu sheegay Maxamed AL-Fadeil oo ah Madaxa Qeybta Ammaanka ee Kufra. Dadka badbaaday ayaa sheegay in ku dhawaad 70 qof lagu aasay qabriga, ayuu raaciyay hadalkiisa, Ciidamada ayaa wali baarayay goobta. Gelinkii dambe ee Axada maanta ah, mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay 76 tahriibayaal ah ey ka soo daayeen xarunta tahriibinta, waxayna xireen saddex qof Liibiyaan ah iyo laba Ajnabi ah oo looga shakisan yahay inay xireen oo jirdil u geysteen dadka Muhaajiriinta. Dacwad oogayaasha ayaa ku amray in eedaysanayaasha lagu sii hayo xabsiga inta laga baarayo. Xabaal wadareedyada Muhaajiriinta ayaan ku cusbayn Liibiya. Sannadkii hore, mas'uuliyiinta ayaa Gobolka Shucayrif oo 350 kiiloomitir (220 mayl) Koonfur ka xigta caasimadda Tripoli ka soo saaray meydadka ugu yaraan 65 muhaajiriin ah. Liibiya waa marinka ugu badan ee Muhaajiriinta ka imaanaya Afrika iyo Bariga Dhexe ee isku dayaya inay u gudbaan Yurub. Dalku waxa uu galay fowdo ka dib kacdoonkii NATO ee lagu Afgambiyey laguna dilay Madaxweynihii mudada dheer Xukumaayey Libiya Mucamar AL-Qadaafi sanadkii 2011. Liibiya oo ah dal qani ku ah saliida ayaa waxaa xukumayay inta badan tobankii sano ee la soo dhaafay dawlado iska soo horjeeda oo ka talinayay Bariga iyo Galbeedka Liibiya, mid walbana waxaa taageeray maleeshiyaad iyo Dawlado Shisheeye. Ka ganacsiga dadka ayaa laga faa'iideystey in ka badan toban sano oo xasillooni darro ah, tahriibinta tahriibayaasha oo ka gudbaya xuduudaha dalalka gaaraya lix waddan, oo ay ku jiraan Chad, Niger, Sudan, Masar, Algeria iyo Tunisiya. Markeey xeebta soo gaaraan tahriibiyeyaashu waxay ku xirxiraan tahriibayaasha doonaya iney nolol dhaanta midii ey ka soo carareen ka helaan Yurub,waxa eyna ku qaadaan tahriibayaasha dooni caag ah oo aan qalabaysan iyo Maraakiib kale oo socdaalo khatar ah ku mara jidka halista ah ee bartamaha badda Mediterranean-ka. Kooxaha xuquuqul insaanka iyo Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa sannado badan diiwaangeliyay tacaddiyada joogtada ah ee loo geysto Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo ey ka mid yihiin shaqo qasab ah, garaacid, kufsi iyo jirdil. Xadgudubkan ayaa inta badan waxa uu daba socdaa dadaallo lacago baad ah looga qaadayo qoysaska ka hor inta aan Muhaajiriinta loo ogolaan in ay Liibiya uga baxaan doomaha dadka wax tahriibiya. Kuwa la qabtay oo dib loogu celiyay Liibiya oo ey ku jiraan Haween iyo Carruur ayaa lagu hayaa Xabsiyada ey dowladdu maamusho halkaas oo ey sidoo kale kala kulmaan tacaddiyo ey ka mid yihiin jirdil, kufsi iyo baad, sida ay sheegeen kooxaha Xuquuqda iyo Khubarada Qaramada Midoobay.
ISHA-FRANCE-24.
SHACABKA REER GAZA OO BILAABAY INEY DIB UGU SO…
(SAWIRKA)-SHACABKA FALASTIIN OO DIB UGU SOO LAABTAY DHULKOODA.
(GAZA)-Ciidamada Israa’iil ayaa Axadda maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ey xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee Xabbad-Joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ey heshiis ku gaari karaan sii wadidda Xabbad-Joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska Xabbad-Joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ey kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km oo kala qaybiya Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii Xabbad-Joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee Waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ey cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca Woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ergo u diray dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dhinaca wada xaajoodka ah, balse ergada waxaa ka mid ah saraakiil heer hoose ah, arrintaas ayaa dhalisay shaki ah in eysan keeni doonin natiijo wax ka tarta Xabbad-Joojinta. Netanyahu ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadkan shir la yeesho Wasiirradiisa muhiimka ah si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska.
Dilal ka dhacay Daanta Galbeed
Axadda maanta ah, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in laba haween ah oo da’doodu tahay 20-jiro, mid ka mid ahna ey lahayd Uur sideed bilood ah ey ciidamada Israa’iil toogteen xilli ay howlgallo ballaaran ka wadeen Waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Tan iyo markii ay Xabbad-Joojintu billaabatay 19-kii Janaayo, heshiisku wuxuu la kulmay caqabado badan iyo khilaafyo u dhexeeya labada dhinac, taasoo muujineysa nuglaanta heshiiska.
Axadda maanta ah, waxaa la arkayay baabuur xamuul ah oo sida agab kala duwan, sida taangiyo biyo ah iyo boorsooyin, kuwaasoo u socdaalaya Waqooyiga iyaga oo maraya jidka Netzarim. Sida uu qabo heshiisku, Israa’iil waa inay u ogolaataa baabuurta inay maraan iyada oo aan la baarin, mana muuqan wax askar ah oo joogay hareeraha jidka. Afhayeenka Xamaas, Cabdil-Latif Al-Qanoua, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ay caddeyn u tahay in Xamaas ey "ku qasabtay cadowga inuu aqbalo dalabkeyna" isla markaana ey fashilisay hadalkii Netanyahu ee ahaa “guul buuxda."
ISHA-VOA.
Md.C/FATAAX AL-BURHANI OO KA HADLAY XAALA…
(SAWIRKA)-C/FATAAX AL-BURHANI.
(SUDAN)-Wararka laga helaayo dalka Sudan ayaa sheegaayo in Madaxa Golaha Qaranimada dalka Sudan Md.C/fataax AL-Burhani uu maanta oo Sabti xaqiijiyey ineysan hadda jirin wax wada xaajood ah oo ey la gelayaan Ciidamadda Taageerada deg dega ah,isagoo intaas ku daray “Waxaan la hadli karnaa Ciidamadda Taageeradda Deg dega ah oo kaliyah haddii ey hubka dhigaan”. Mudane AL-Burhani ayaa xaqiijiyey inuu helay casuumad lagu saxiixaayo heshiis xabad joojin ah inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, balse waxa uu intaas ku daray oo uu yiri”Ma aqbali doono wax xabad joojin ah ilaa ey ciidamadda Taageeradda deg dega ah ka baxaan dhammaan Goboladda oo ey isugu yimaadaan xarumo gaar ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ma siin doono Ciidamadda taageeradda deg dega ah wax guul ah oo ey ku joojiyaan dabka”. AL-Burhani ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalku uu sii socon doono ilaa inta laga saraayo go’odoominta ey ku hayaan AL-Faashir. Md.AL-Burhaani ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadda dalka Sudan ey diyaariyeen Qorshooyin awood u siinaayo iney “maamulaan dalka oo dhan,isaga oo carabka ku adkeeyey in xalka kaliyah uu yahay Guul…Waxaan ku kalsoonahay in dagaalku uu ku dhammaan doon Guul”,waxa uuna carabkiisa ku adkeeyey in kuwa ka dagaalamaya safka Ciidamadda dalka Sudan ey metelaan dhammaan dadka Sudan. Md.AL-Burhaani ayaa shaaca ka qaaday in caasimadda Khartuum ey ku dhawdahay in lagu soo dhiso dawlad ku dhisan farsamo yaqaano,isagoo intaas ku daray in hadda ey socdaan wada tashiyo lagu soo dooranayaao Reysa Wasaare Rayid ah. Isagoo hadakiisa sii wata ayuu AL-Burhani yiri’Dawladda la soo dhisi doono waxay naga caawini doontaa dhammaystirka shaqada ciidanka ee harsan”. Waxa uu sidoo kale AL-Burhani carabkiisa ku adkeeyey in “Talooyinka xoogaga Siyaasadda ey heli doonaan fiiro gaar ah iyo baaxadda fulinta”. Md.AL-Burhani ayaa tilmaamay in Xisbiga National Congress Party oo ah Xisbiga Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar AL-Bashiir aanuu mar kale dib ugu soo laaban doonin taladda dalka,wuxuuna khudbadiisa u jeedinayey masuuliyiinta Xisbigaas,waxa uuna yiri”Ka fogaada Banaanbaxyada haddii aad tihiin wadaniyiin…fursad uma heli doontaan inaad dalka ku xukuntaan dhiiga shacabka Sudan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu AL-Burhani yiri’Shirweynaha Qaranka iyo kuwa kale ee doonaaya iney xukunka qabtaan waxa ey mustaqbalka geli doonaan Doorashooyin”. Intaas ka dib,AL-Burhani waxa uu la hadlay isku duwidda Horumarka iyo Ciidamadda Xorriyadda iyo Isbedelka,waxa uuna yiri”Waxaad la mid tihiin Shirweynihii Qaranka,mana haysatiin fursad aad ku soo noqotaan talada dalka Sudan…idinka iyo Ciidamadda Taageeradda Deg dega ah isku mid baad tihiin”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey ”Waan soo dhweyneynaa isku duba ridka Horumarka haddii ey gacanteeda ka qaado Ciidamadda Taageeradda deg dega ah”.
ISHA-AL ARABIYA.
HOGAANKA SURIYA IYO LUBNAAN OO CASUUMAD KA…
(SAWIRKA)MADAXWEYNAYAASHA SURIY IYO LUBNAAN.
(KUWAIT)-Warbaahinta dalka Kuweyt ayaa sheegtay in Madaxweynaha dalka Suriya Md.Axmed Sharac iyo dhigiisa dalka Lubnaan Joseph Cawn ey muujiyeen rabitaankooda ku aadan iney booqdaan dawladda Kuweyt xilliyadda soo socdo,sida ey sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay warbaahinta dalka Kuweyt. Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweynayaasha dalalka Lubnaan iyo Suriya(Cawn iyo Sharac) ey muujiyeen rabitaankooda ah iney la kulmaan Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt Md.Cabdaal AL-Yaxya, waxa eyna dawladda Kuweyt ey tilmaantay iney qaban qaabin doonto booqashada waqtiyadda soo socdo. Sidoo kale,ilo wareedyado waxay ku macneyeen in booqashada Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn uu ku imaan dalka Kuweyt ey dhici doonto marka la dhiso dawladda Cusub ee dalka Lubnaan,halka Madaxweynaha Suriya Axmed AL-Sharac uu xaqiijiyey inuu dalka Kuweyt booqan doono sida ugu dhaqsiyaha badan. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey iney jiri doonto in dawladda Kuweyt ey si heer sare ah uga qeybgeli doonto Shir Madaxeedka Carbeed ee lagu wado inuu 27-ka bishaan Feberaayo ka furmo magaaladda Qaahira ee dalka Masar,shirkaaso uu ka horeey shir heer Wasiir oo 26-ka bishaan Feberaayo ey yeelan doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamadda Carabta. Waxa uu xusay in shirkaan loga hadli doono Arrimaha Carabta iyo tan Gobolka uguna Muhimsan iyo caqabadaha jira,Amniga iyo Xasilloonida wadamada Carabta oo ey ugu muhiimsan tahay in la qaato mawqif lagu diidaayo barakicinta dadka reer Falastiin. Xogta waxa ey tilmaantay in bisha Ramadaan ee soo socoto in magalaadda barakaysan ee Makkah AL-Mukaramah uu ka dhici doono shir heer Wasiir ah kana kala socdo wadamadda Lixda ah ee Khaliijka,shirkaaso ey hogaamineyso dawladda Kuweyt isla markaasne waxaa la sheegay inuu shirkaas Makkah ka qeybgeli doono Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Suriya Asad AL-sheybaani maadaam lagu casuumay inuu ka soo qeybgalo kulanka.
ISHA-AA.
MARWAAN AL-BARGHUTI OO LA SII DEYN DOONO.
(SAIRKA)-MARWAAN AL-BARGHUTI.
(GAZA)-Wiilka Hogaamiyaha Ururka Fatax oo u xiran Isra’iil ku dhawaad 20-sano,Marwaan AL-Barguthi ayaa warbixin gaar waxa uu siiyey Tv-ga caanka ah ee AL-Carabiya iyo AL-Xadath,waxa uuna sheegay iney jiraan xogo wanaagsan oo aan horay loo arag iyo tilmaamo la xiriiro sii deynta Aabihiisa Marwaan qeybta labaad ee heshiiska xabad joojinta Xamaas iyo Isra’iil. Wiilka Marwaan ayaa tilmaamay in Aabihiis uu weli taageersan yahay fikradda ah in la helo laba dawladood oo nabad lagu wada noolaado,isagoo xusay in eysan jirin tilmaamo toos ah oo ku saabsan musaafurinta Aabihiis haddii la sii daayo. Efrayim Halefi oo ah Madaxii hore ee Sirdoonka Isra’iil ee Mossad iyo Golihii Amniga Qaranka Isra’iil ayaa ugu baaqay Reysal Wasaare Netanyahu inuu sii daayo Marwaan AL-Barghuti si uu u noqdo Saaxibka Siyaasadeed ee Mustaqbalka,sidaas waxa uu ka sheegay wareysi uu siiyey Raadiyaha Guud ee Isra’iil. Waxa uu sharaxay in Isra’iil ey sii deyso Maxaabiista reer Falastiin maalin kasta kuwaaso ey ku jiraan kuwa ka tirsan Xamaas,halka Marwaan AL-Barghuti oo xabsiga ku jira in ka badan labaata sano uu weli ku naaloonayo Sumcad weyn oo yaab leh,waxaane laga yaabaa inuu u qalmo door Hogaamineed. Halefi waxa uu carabka ku adkeeyey in Barghuti, in kastoo uu horay amaan u haystay hadane aanuu ahayn kii ugu xumaa ee la sii daayey,isagoo xusay in Barghuti uu si fiican u yaqaano luqadda Cibraaniga ah,isla markaane uu fahansan yahay maskaxda Isra’iil taaso ka dhigeysa inuu awood u leeyahay inuu gorgortan galo. Halefi ayaa intaas raaciyey in taariikhdu ey marqaati ka tahay Hogaamiyeyaal Maxaabiis ahaa oo hadane Madax ka noqday dawladdo, Halifi ayaa ku baaqay in hal abuur laga sameeyo mustaqbalka Daanta Galbeed,maadaam ey jiraan malaayin reer Falastiin ah xaqiiqadana aan la iska indha tiri karin xaaladooda. Halifi mar la weydiiyey suurtagalnimada in Barghuti uu noqdo “Carafaatka Cusub”,isagoo kor u qaadaya hal ku dhega ah Nabad,isaga oo taageeraayo mucaaraka, Helefi wuxuu sheegay in lagu tijaabin karo siyaasad ahaan,gaar ahaan maqnaashaha lamaana dhab ah oo Falastiin ah oo wada hadal ah. Marka loo eego isbedelka Madaxii Mossad oo ah shaqsi siyaasad ahaan u dhaw Netanyahu marka laga hadlaayo wada hadalada Xamaas iyo Isra’iil, waxa Halefi ka fogaaday arrintaas waxa uuna sheegay in wada xaajoodka uu u baahan yahay rag wax gal leh,waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in sii deynta Barghuti ey ka faa’iido badan tahay malaayiin kale oo la sii daayo. Waxaa xusid mudan in Halefi uu ka soo horjeedo Siyaasadda Netanyahu ee uu taagersan yahay in labada dal ey wad xaajood la galaan maamulka reer Falastiin. Waxaa kaloo uu daaha ka qaaday xallinta isku daygii dilka Khaalid Mashcal ee dalka Urdun sannadkii 1997-dii markaasu ahaa ergayga gaarka ah ee Netanyahu si loo soo afjaro khilaafkii Camaan.
ISHA-AL-ARABIYA.
(TUNISIA):HOGAAMIYIHII XARAKADDA AL-NAHDA OO LA…
(SAWIRKA)-BANAANBAXYADII TUNISIYA.
(TUNIS)-Wararka aan ka heleyno dalka Tunisiya ayaa sheegaayo in maanta oo Arbaca ah in Maxkamad ku taalo dakaasi Tunisiya ey soo saartay Xukuno aad u Culus,waxayna xukuntay Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa AL-Nahda Raashid AL-Qanuushi oo lagu xukumay xabsi dhan 22-sano iyo Reysal Wasaarihii hore ee dalka Tunisya Hishaam AL-Misheyshi oo isna lagu xukumay 35-sano oo xabsi ah. Kiiska dacwadaan ayaa waxa uu soo bilaabmay Oktoobar-2021-kii, ka dib markii ey Xukuumadda xirtay shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiin digitaalka ah “Instalingo”,waxayna baareen saxafiyiinta iyo dadka Internet-ka wax ku qora,Ganacsatada xorta ah,Siyaasiyiin kuwaaso dhammaantood lagu soo eedeeyey iney sameeyeen fal xun oo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Tunisiya Qeys Saciid iyo shirqool ka dhan ah Amniga dalka Tunisiya iyo Basaasnimo. Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha ey galeen dembiyo la xiriira lacag dhaqid, ka faaiideysiga xarumaha bixiya shaqada iyo hawlaha bulshada iyadoo la isticmaalayo awooda dawladda,weerar ula kac ah si ey u bedelaan nidaamka Xukuumada Tunisiya iyo in dadweynaha Tunisiya ey ka horyimaadiin dawladda,kicin fawdo,dil iyo dhac ka dhaca dalka Tunisiya. Marka laga soo tago xukunka ku dhacay Qanuushi iyo Misheyshi maxkamadu waxa ey xukuntay wiil uu sodog u yahay Rafiiq Boshkalata,waxaane lagu xukumay xabsi dhan 34-sano,Wiilka Qanuushi oo la yiraahdo Mucaad Qanuushi ayaa isna lagu xukumay 35-sano oo xabsi ah,Geberta Qanuushi oo iyadana la yiraahdo Sumayah ayaa iyadana lagu xukumay 25-sano oo xarig ah,marka lagu daro Hogaamiyeyaasha Amniga ey ku jiraan Agaasimihii hore ee Sirdoonka Lazahra Loongot oo ey Maxkamadu ku xukuntay 15-sano oo xariga ah iyo afhayeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Carwi oo isagana lagu xukumay xabsi dhan 13-sano,sidoo kale waxaa iyagana la xukumay Saxafiyiin iyo rag wax ku qora Internet-ka. Waxaa xusid mudan in Qanuushi uu xirnaay tan iyo bartamihii bishii Abriil-2023-kii isagoo lagu eedeeyey inuu maleegay dhagar qatar ku ah Amniga gudaha Dawladda Tunisiya,taaso kasoo horjeeda hadal uu ku hanjabay inuu hurin doono dagaal sokeeye iyo qalalaase uu ka abuuri doono dalka Tunisiya haddii dhaqdhaqaaqa laga saaro xukuumadda. Marka laga soo tago Qanuushi oo ah Hogaamiyaha Xarakada AL-Nahda ee dalka Tunisiya ayaa xabsiga u galay tuhuno fara badan oo ey ka mid yihiin Halis gelinta Amniga dalka,ku lug lahaanshaha shabakado dadka u daabula goobaha ey xiisadaha ka jiraan oo ey ka mid yihiin Nuuradiin AL-Bixeyri iyo Cali Cariid oo ah ku xigeenadiisa.
ISHA-AA.
QARAX XOOGAN OO KA DHACAY DEGMADA MANBIJ.
(SAWIRKA)-DAGAALYAHANADA YPG.
(SYRIA)-Madaxtooyada dalka Suriya ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay iney la xisaabtami doonto dadkii ka dambeeyey dadkii fuliyey “Qaraxii Dembiga ahaa”ee lagu dilay ilaa 20-qofood magaaladda Manbij ee Waqooyiga dalka Suriya. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxa gaariga lagu soo xiray ee ka dhacay magaaladda Manbij oo qiyaastii 30-Kiilomitir u jirta xadka dalka Turkiga la leeyahay Suriya. Weerarkaan ayaa noqonaay kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii Bashaar AL-Asad xilka laga tuuray bishii Diseemba-2024-kii. Madaxtooyadda Suriya ayaa ku nuux-nuuxsatay in “Dembigii Manbij aanu dhaafi doonin iydaa oo aan ciqaabta ugu daran lagu soo rogin dembiilayaasha”,iyadoo raacisay”kama laabaneyno inaan dabagalno oo la xisaabtano kuwa ku lug leh”duqeynta, “Gaariga walxaha Qarxa lagu soo buuxiyey ayaa ku qarxay meel u dhaw baabuur ey la socdeen shaqaale beeraaley ah oo maraayey wada weyn oo ku taalo duleedka maglaada Manbij ee baadiyaha bari ee Xalab,waxaane ka dhashay xasuuq aad u fool xun”ayey Wakaaladda Wararka ee Suriya SANA ka soo xigatay barta difaaca madaniga ah ee Telegaraam. Xoogaga Dimuqaraadiga Suriya ee Kurdiyiinta ee SDF ayaa cambaareeyey Qaraxa dhacay,iyagoo ku eedeeyey kooxaha Turkiga taageero iney u adeegsadeen Qaraxyadda iyo rabshadaha si ey u argagax geliyaan dadka degaanka. Gacan ku haynta Manbij ayaa dhawr jeer isbedeshay intii lagu guda jiray dagaalka Suriya ee 13-ka sanno ah,waxaane ugu dambeysay bishii Diseembar markii kooxaha uu Turkigu taageero ey la wareegeen gacan ku haynta ciidamadda Dimuqaraadiga Suriya ee uu Maraykanku taageero. Unugyadda ilaalinta dadka Kurdiska(YPG) ayaa ah kooxda ugu weyn ee ciidamadda Dimuqaaadiga Suriya.
ISHA-AA.
DALKA TURKIGA OO DUQEYN KU DILAY 23-DAGAALYAHAN.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA KUNA SUGAN GUDAHA DALKA SURIYA.
(ANKARA-TUR)-Wararka laga helaayo dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Axada maanta ah ayey Ciidamadda cirka ee dalka Turkiga, waxa ey weerar dhinac cirka ey ku dileen 23-dagaalyahano oo hubeysan kana tirsan Kurdiyiinta dalka Suriya ee ku sugan Waqooyiga dalkaas,waane duqeyntii ugu horeysay iyo weeraro xiriir ah tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump 20-kii bishii hore ee Janaayo 2025-ka. Wasaaradda Difaac dalka Turkiga ayaa sheegtay in Mintidiinta la laayey ey ka kala tirsan yihiin Unugyadda Ilaalinta Dadka Kurdiyiinta Suriya(YPG) iyo Xisbiga Shaqaalaha Kurdistaan ee PKK,labadaan Urur ayuu dalka Turkiga u aqoonsan yahay iney yihiiin Ururo Argagixiso. Dalka Turkiga ayaa u arka kooxda YPG iney kordhineyso kooxda kale ee PKK halka Maraykanka uu u arko iney yihiin laba kooxdood oo kala duwan. Maraykanka ayaa mamnuucay kooxda PKK waxa uuna ku tilmaamntay Urur Argagixiso balse waxa ey xulafo yihiin YPG ee Suriya kooxdaas ayaa dagaal kula jirta kooxda Daacish. Turkiga ayaa muddo dheer ka dalbanaayey Xukuumadda Maraykanka iney kala laabato taageeradda ey siiso kooxda YPG, waxa eyna rajo ka muujisay in Madaxweyne Trump dib u eegis ku sameeyo Siyaasadii uu ka dhaxlay Madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Joe Biden. Ciidamadda Turkiga iyo Xulafadooda ayaa marar badan dagaalo ku qaaday gudaha dalka Suriya,maleeshiyaadka Kurdiyiinta tan iyo markii la afgembiyey Madaxweynihii hore ee dalkaasi Bashaar AL-Asad bishii Diseembar-2024-kii. Turkiga ayaa sheegay in Ciidamadda Dimuqaraadiga ee Suriya oo ah isbahaysi uu taageero Maraykanka oo ey ku jiraan dhawr kooxood oo hubeysan oo ey ka mid yihiin kurdiyiinta YPG, waa iney hubka dhigaan haddii kale waxa ey wajihi doonaan faragelin Mileteri,maamulkii hore ee dalka Maraykanka ayaa dalka Suriya waxaa ka joogay tiro ciidamo ah oo gaaraayo ilaa 2-kun askeri oo ey is xulafeysnaayeen dagaalamaaysha Syrian Dimocratic Forces(SDF) iyo YPG.
ISHA-AA.
MAXAA SABABAY IN LIIBIYAANKU TUUGSADAAN?
(SAWIRKA)-DADKA TUUDSADA EE DALKA LIIBIYA.
(TRIPOLI-LIB)-TIRO NAXDIN LEH,waxa uu ahaa Cinwaanka Qoraal looga hadlaayey dadka Tuugsada/Dawarsada ee dalka Liibiya, Qoraalka ayaa is weydiiyey su’aasha ah”Maxay tahay sababta la yaabka leh ee kor u qaaday tirada dadka Tuugsada/Dawarsada ee Liibiyiinta?”. Tirakoobyada Rasmiga ah ee la sameeyey ayaa daah ka qaaday iney kordheen tirada dadka Tuugsada ee ku nool dalka Liibiya mudooyinkaan dambe, balse arrinta la yaabka leh ayaa ah iney ugu horeyntii ey ku soo biireen dadka u dhashay Wadanakan Qaniga ku ah Batroolka oo dhaqaale badan haysta,gaar ahaan Dumarka iyo Gabdhaha Liibiyiinta ah. Sabtidii shalay ahayd,Waaxda Amaanka Caasimadda Tripoli ayaa ku dhawaaqday in sannadkii la soo dhaafay lagu qabtay Caasimadda Tripoli 878-qof oo tuugsada oo ey ku jiraan 461-Haween ah iyo 221-Caruur ah, Waaxda ayaa xustay in tirada dadka Liibiyiinta ah ee la qabtay ey gaarayaan ilaa 329-qof oo ka mid ah dadka Tuugsada oo ey ku jiraan 90-qof oo rag ah, 178-Dumar ah iyo 61-Caruur ah,halka tirada dadka Tuugsada ey gaartay 106-rag ah, 283-Dumar ah iyo 160-Caruur ah kuwaaso dhammaantooda aan u dhalan Liibiya haystana Jinsiyda Shisheeye. Isagoo ka hadlaayey sharaxaadne ka bixinaayey kororka tirada dadka Tuugsada ee Liibiyaanka ah ayuu Madaxa Hayadda Qaranka ee Xuquuqul Insaanka ee dalka Liibiya Md.Axmed Xamsa,waxa uu tilmaamay in ujeedada Mawaadiniinta ka dhigtay iney u baxaan iney Tuugsadaan eyna soo helaan sadaqo ey tahay”Iney soo helaan waxyaabaha aasaasiga u ah noloshooda dabooli karana baahidooda iyo sabab la xiriirta Sicir bararka Maaliyadeed iyo burburka ku yimid qiimaha lacagta dalka Liibiya ee Diinaarka,marka lagu daro heerka saboolnimada ee Liibiya oo sii xumaaneysa ee gaartay 40% sida lagu sheegay daraasaddii ugu dambeysay”. Axmed Xamsa ayaa hadlkiisa ku daray yirine”In kororka tirada dadka shaqo la’aanta ah iyo xaaladaha barakaca iyo barakaca gudaha ey sidoo kale yihiin arrimaha ugu waa weyn ee ku riixay tiro dad ah oo Liibiyaan ah iney Tuugsadaan oo ey dalbadaan gargaar si ey u daboolaan baahidooda caafimaad,bani’adanimo iyo nololeed iyagoo ku nuuxnuuxsaday in caanimada sii kordheysa ee dhacdadaani ey muujineyso qoto dheeridda dhibaatooyinka bani’adanimo,dhaqaale iyo bulsho ee dadka Liibiyaanka ah ey la il daran yihiin”. Axmed Xamsa ayaa u tixgeliyey in “Liibiya ey maanta faqiir noqdeen dadkeedii iyadoo ah dal qani ku ah shidaalka,dhaqaale badane ka hesha iibka Tamarta,taaso ka dhalatay Musuq-Maasuq,Sicir bararka Maaliyadeed iyo hantidii oo gacanta u gashay dhinacyada isku haayo talada dalka Liibiya iyo Maleeshiyaadka hubeysan,iyadoo laga xayuubinaayo Mawaadiniinta Liibiya Xuquuqdooda nololeed ee wanaagsan”. Dadka u dhashay dalka Liibiya ayaa waxaa soo food saartay dhibaato nololeed oo aad u weyn oo eysan horay u soo arag amaba u soo marin iyo dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ey ka mid tahay sidii ey u heli lahaayeen waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha dadka iyo adeegyadda bulshada oo u muuqda mid aan qof walba awoodi karin,taaso ka dhalatay khilaafka Siyaasdeed,kala qeybsanaanta dawladnimada Liibiya iyo Musuq-Maasuqa joogtada ah in ka badan toban sano,
ISHA-AA.
QARAX GAARI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY…
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY MINBIJ.
(MINBIJ-SYR)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in ugu yaraan seddex qofood ey ku dhinteen shan iyo toban kalane ey ku dhaawacmeen weerar Argagixiso oo maanta oo Sabti ah ka dhacay degmada Manbij ee Gobolka Xalab ee dalka Suriya,sida ey sheegeen laamaha amaanka ee dalkaasi. Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay xaafadda Rabita ee magaaladda Manbij oo ey gacanta ku hayaan ciidamadda Dawaladda Suriya. Ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay masuuliyadda weerarkaas balse ciidamadda amaanka ee degaanka ayaa sheegay in laga yaabo inuu ka dambeyey Ururka dalka Turiga u aqoonsan yahay inuu yahay Argagixiso ee PKK/YPG. Muaddaii 40-ka sano ahayd ee uu Ururka PKK/YPG uu ku jiray ololaha dagaalka ka dhanka ah Turkiga,ayaa PKK/YPG loo aqoonsaday inuu yahay Urur Argagixiso dalalka Maraykanka iyo Midawga Yurub iyo Turkiga ayaana ah kuwa ku dhegan ururkaas. Ururkaan ayaa sababay iney dhintaan dad fara badan oo Turki ah kuwaaso lagu sheegay iney dhan yihiin ilaa 40-kun eyna ka mid yihiin Caruur,Dumar,Waayeel iyo dhallinyaro. Tan iyo markii uu dhacay Nidaamkii AL-asad ee dalka Suriya,kooxaha Argagixisada waxa ey isku dayeen iney ka faa’iideystaan xasillooni daradda ka jirta Gobolkasi si ey u abuuraan jid Argagixisada ugu talaabaan dalka Turkiga oo xuduud la leh dalka Suriya.
ISHA-AA.
IMISA KUN AYAA LAGU LA’AYAHAY LAGUNA DILAY DALKA SURIYA?
(SAWIRKA)-QUBUURAHA DADKII LAGU LAAYEY XAMA’A.
(SYRIA)-Seddex iyo afartan sano ka hor,taliskii Xisbiga AL-Bacath ee dalka Suriya waxa uu fuliyey mid ka mid ah gabood falladii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca Xasuuqii XAMA’A ee sannadkii 1982-dii oo lagu dilay tobanaan kun oo qofood laguna la’ayahay kumanaan kale oo dad ah. Taliskii Xisbiga AL-Bacath oo talada dalka Suriya kula wareegay Afgembi sannadkii 1963-dii lana afgembiyey Disembar-2024-kii ayaa olole dhiig badan uu ku daatay ka bilaabat magaaladda Xama’a oo ah magaalo caan ku ah bulshada Muxaafidiinta ah iyo Mucaaradka dawladda. Dabayaaqada bishii Janaayo ee sannadkii 1982-dii xoogaga daacadda u ahaa Madaxweynihii xilligaas Xaafid AL-Asad ayaa go’odoomiyey magaaladda Xama’a iyago ku marmarsiyonaya iney caburinyaan kacdoonka ey wadaan kooxaha Ikhwaan AL-Muslimiinka. Weerarka waxaa Hogaaminaayey Guutooyinka Difaaca ee uu Hogaamiyo Rifcad AL-Asad oo ey wehliyaan ciidamadda gaarka ah,Guutooyinka iska hor imaadyadda Guutada 21-aad ee Hawada iyo cutubyo kala duwan oo Amniga iyo Mileteriga ah oo gaaraya ugu yaraan 20-kun oo askeri. Taangiyadda iyo Madaafiicda ayaa isku hareereyey magaaladda Xama’a markii uu weerarku bilawday 2-dii bishii Feberaayo eyna socotay duqeyn dhinaca cirka ah,waxaane xigay duqeymo culus oo dhanka cirka ah,waxaane la jaray Biyaha, Korontada iyo Isgaarsiinta. Ciidamadda maaulka ayaa ku kacay dilal wadareed,dhac,iyo xadgudub dhanka Galmada ah. Waxaane la afduubtay dhallinyaro ey da’adoodu ka weyn tahay 15-jirro lagana watay waalidiintooda.
ISHA-AA.
(SYRIA):SARKAAL SARE OO CIQAABAY CARUUR OO LA SOO QABTAY.
(SAWIRKA)-CAADHIF NAJIIB.
(DAMASCUS-SYR)-Wararka laga helaayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in Ciidamadda dalkaasi ey soo xireen Caadhif Najiib oo ey ilmo Habreed yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad ee xilka laga tuuray, Caadhif Najiib ayaa horay u ahaan jiray Madaxa Amniga Siyaasadda ee magaaladda Darca’a ee dalka Suriya, Waxaane loo hasytaa dembiyo ka dhan ah dadka Rayidka ah oo ey ku jiraan Caruur,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA Jimcaha maanta ah. Xariga Caadhif Najiib ayaa waxaa xaqiijiyey G/dhexe.Mustafa Kanifaati oo ah Agaasimaha Waaxda Amniga Dadweynaha ee AL-Laadiqiyah ee Waqooyi-Galbeed Suriya. “Hawlgalka uu la beegsaday Agaasinka Amniga Dadweynaha AL-Laadiqiyah oo kaashanaayo ciidamadda Mileteriga ayaa si guul ah ku soo qabtay Gen.Caadhif Naaji oo ahaa Madaxii hore ee Laanta Amniga Siyaasadda ee Darca’a”ayuu yiri Mustafa Kanifaati. Talaabadaan waxa ey qeyb ka tahay dadaaladda socdo ee masuuliinta si ey ula xisaabtamaan dembiileyaasha sameeyey xadgudubyo ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Suriya iyo xoojinta Amniga iyo xasilloonidda Gobolka”ayuu raaciyey hadalkiia,sarkaalka la qabtay ayaa lagu wareejiyey hayadaha ku shaqada leh si ey u soo taagaan Maxkamad. Sida laga soo xigtay Warbaahinta Maxaliga ah oo uu ku jiro Tv-ga Suriya iyo saxafiyiin,Siyaasiyiin caan ah,Najiib ayaa ah nimeey ilmo Abti yihiin Bashaar AL-Asad,waxa uu ku dhashay magaaladda Xeebeedka AL-Jabaleh. Caadhif Naaji,waxa uu ka qalin jebiyey Akadeemiyadda Ciidamadda ka hor inta uusan ku biirin Sirdoonka,isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumaddi Bashaar AL-Asad,waxa uuna ahaa Hogaamiyihii hore ee qabta Xafiiska Laanta Siyaaasadda ee Darca’a. Waxa lagu eedeeyey inuu ka mid ahaa kuwii ugu horeeyey ee geystay xadgudubyo ka dhan ah dadka Rayidka ah bilawgii kacdoonkii 2011-kii. Waxaa kaloo lagu eedeeyey Xariga iyo Jirdil loo geystay Caruur ku nooleed magaaladda Darca’a kuwaaso gidaaradda ku qoray erayo ka dhan ah Nidaamka Bshaar AL-Asad,dhacdadaas oo mudaaharaadyo bilaw ah ka bilawday dalka Suriya. Ka dib markii 8-dii bishii Disembar-2024-kii la riday Nidaamkii Bashaar AL-Asad, waxaa bilawday hawgallo mileteri oo xarumihii askarta dawladda looga saaray,waxaan la amray iney hubkooda wareejiyaan. Caadhif Najiib ayaa dhashay sannadkii 1960-kii,waxa uuna ku dhashay magaalo Xeebeedka Jableh ee Gobolka AL-Laadiqiyah ee dhacda Xeebta Badda dhexe ee cad, waxa uuna ka qalin jebiyey kulliyadda dagaalka ee Xumus,waxa eyna ilmo habreed yihiin Ex.MW-Bashaar AL-Asad,Hooyadiis waxaa la yiraahdaa Faduma Makhluuf halka Bashaar AL-Asad Hooyadiis la yiraahdo Aniisa Makhluuf. Xilalka uu Caadhif soo qabtay waxaa ka mid ah:
(1)-Waaxda Amniga Siyaasadda ee Darca’a 2008 ilaa 2011-kii.
(2)-Madaxa Amniga Siyaasadda ee Laanta AL-Feyxaa ee Caasimadda Dimishiq.
(3)-Madaxa Waaxda Baarista iyo Ilaaladda Caasimadda Dimishiq.
(4)-Taliyaha Laanta Amniga ee Sheekh Muxyadiin ee caasimadda Dimishiq.
(5)-Ku-Xigeenka Taliyaha Nabad Sugidda Booliska,ka dibne waxa auu noqday Ku-Xigeenka Madaxa Waaxda Maamulka Gobolka ee Amniga Caasimadda Dimishiq.
ISHA-WAKAALADDO.
ZAKARIYE ZUBEYDI HALYEY KA YAABSADAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-ZAKARIYE ZUBEYDI.
(RAMALLAH)-Isra’iil ayaa maanta oo Khamiis ah sii deysay Zakariye Zubeydi oo ah Hogaamiye Sare ee Dhaqdhaqaaqa AL-Fatax ee reer Falastiin,isla markaasne ahaa Taliyaha Garabka Hubeysan ee AL-Fatax ee Guutooyinka Shuhadada AL-Aqsa’a ee Daanta Galbeed Zakariye ayaa qeyb ka ahaa dufcadii seddexaad ee Xabad joojinta Marinka Gaza iyo Heshiiskii Maxaabiis Isdhaafsiga ee Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil. Zakariye Zubeydi waxaa lala sii daayey 109-kale oo Maxaabiis reer Falastiin ah iyadoo lagu bedeshay Maxaabiista reer Isra’iil ee kala “Arbel Yehoud, Agam Berger, iyo Gadi Mozes”.
WIILKA XERADA QAXOOTIGA EE JENIN:
Zakariye Zubeydi oo hore uga tirsanaan jiray Golaha Kacaanka ee Fatax,ayaa ka soo jeedo Xerada Qaxootiga Jenin ee ku taallo Waqooyiga Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin,taaso ey si joogta ah uga hawlgalaan Muleteriga Isra’iil tan iyo 21-kii bishaan Janaayo-2025-ka. Zakariye Zubeydi, oo 49-jir ah ayaa ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa Falastiiniyiinta ee ku xiran Xabsiyadda Isra’iil. Waxa uu isku sifeeyey kuna tilmaamay Buugiisa Masrat-ka inuu yahay”Maskii Weynaa ee ka adkaaday kii ugaarsanaayey”.
BAXSASHADA XABSIGA HALYEYADDA:
6-dii Sebtembar-2021-KII, Zakariye Zubeydi waxa uu ka baxsaday Xabsiga Gilboa oo ah mid ka mida Xabsiyadda aadka loo ilaaliyo ee Isra’iil,isaga iyo shan kale oo ah Maxaabiis reer Falastiin ah,waxa eyna god ka qodeen qolkii ey ku xirnaayeen. Maalmo ka dib,ciidamadda Isra’iil waxa ey dib u soo qabteen lixdii nin ee Xabsiga ka baxsatay,laakinse baxsashada lagu dhiiraday ayaa si weyn loogu amaanay iney yihiin Halyeeyo ku dhex jira buslshada Falastiiniyiinta iyo Carabta. Zakariye Zubeydi waxaa markii hore xiray ciidamadda Isra’iil sannakii 2019-kii, Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Isra’iil ayaa xilligaas si jees jees ah ugu tilmaamay Zakariye Zubeydi inuu yahay “Bisada wadooyinka taaso ugu dambeynta dabin lagu soo qaban doono”. In kastoo aan xukun rasmi ah laga soo saarin markii la xiraayey, Zakariye Zubeydi ayaa markii dambe lagu xukumay shan sano oo xarig ah ka dib markii uu ka soo baxsaday Xabsiga Gilboa,halka eedeymaha la xiriira weeraradda lala beegsado Isra’ii ey ahaayeen kuwa aan la xallin. Zakariye Zubeydi waxa uu leeyahay taariikh dheer oo dhinaca iska caabinta hubeysan ah kana dhan ah ciidamadda Isra’iil isagoo sannado badan ku soo qaatay xabsiyadda Isra’iil. Sannadkii 2007-dii, isaga iyo koox ka mid ah dagaalayahanadda reer Falastiin waxay hubkooda ku wareejiyeen maamulka Falstiin ee uu Hogaamiyo Maxamud Cabaas,taaso qeyb ka ahayd heshiis ey la galeen Isra’iil kaaso Zubeydi ku helay cafis dhinaca Isra’iil ah.
ISHA-AA.
SURIYA OO YEELATAY MADAXWEYNE KU MEEL GAAR AH.
(SAWIRKA)-AXMED SHARAC.
(DIMISHIQ)-Madaxweynaha Suriya ee ku jira Maraxaladda ku meel gaarka ah Md.Axmed Sharac ayaa khudbadiisii ugu horeysay jeediyey fiidnimada caawa oo khamiis ah. Waxa uu yiri”Suriya waa laga Xoreeyey maamulkii Dembiilaha ahaa,waxaane Suriya lagu xureeyey Nafhurnimo ey sameeyeen dadka Suriyiinta ah ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa”,waxa uu intaas raaciyey”Waxaan fureynaa Buug Cusub oo Taariikhda Suriya ah?,Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu la wareegay Masuuliyadda dalka Suriya ka dib wadatashi sharci ah”. Isaga oo hadlkiisa sii wata ayuu Axmed Sharac yiri”Waxaan reer Suriya ula hadlaa inaan ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee xilliga adag ee lagu jiro kala guurka,waxaane ula hadlaa sidii anigoo ah u adeege ee ma ihi mid iyaga Xukumaayo”. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyey in “Habsami u socodka Siyaasdeed ey Suriya u baahan tahay waa ka qeybgalka qof kasta iyadoo aan la kala saarin”,waxa uuna sharaxay in xilliga ku meel gaarka ah uu qeyb ka yahay geedi socodka Siyaasadeed oo ey ku jiraan ka qeybgalka qof walba. Axmed Sharac ayaa carabka ku adkeeyey inuu soo dhisi doono dawlad loo dhan yahay oo muujisa kala duwanaanshaha Suriya. Waxa uuna intaas ku daray oo uu yiri”Waxa aanu isu diyaarineynaa Shirweynaha Qaran oo laga soo saari doono Go’aamo dastuuri ah”, waxaanu intaas raaciyey ”Waxa aanu maalmaha soo socdo shaacin doonaa dhismaha Gudiga diyaarinta Wadatashiga Qaran”.
ISHA-AA.
RW-NAWAF SALAM OO LOOGA FADHIYO XUKUUMAD FIICAN.
(SAWIRKA)-RW-NAWAF SALAM.
(BEIRUT)-Tiro ka mid ah mawaadiniinta Lubnaan ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ey isugu soo baxay afaafka hore ee guriga Reysal Waasaraha magacaaban ee dalka Lubnaan Nawaaf Salam gudaha magaaladda caasimadda ah ee Beyrut, si ey isaga u taageeraan ugana dalbadaan inuusan u gudbin Xisbiyadda Siyaasadeed ee ku jira hanaanka dhismaha dawladda,mawaadiniinta ka kala yimid Goboladda kala duwan ee dalka Lubnaan ayaa muujiyey taageeradda ey u hayaan Reysal Wasaare Nawaaf Salam iyo Madaxweynaha Jmhuuriyadda Lubnaan GeN.Joosef Cawn. Mawaadiniinta reer Lubnaan ayaa Reysal Salam ugu baaqay inuusan u hogaansamin dalabaadka Xisbiyadda ee ah iney saami qeybsi ku yeeshaan hanaanka dawlad dhiska Lubnaan. Waxa ey sidoo kale ka codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo dhiso Xukuumad Wasiiradeeda ey yihiin farsamo yaqaano aan Musuq Maasuq aqoon,kana fog Xisbiyadda Siyaasadda,waxaa xusid mudan in Reysal Wasaare Nawaf Salam la magacaabay 13-kii bishaan 2025-ka inuusan ilaa hadda ku guuleysan inuu soo dhiso xukuumad cusub oo taya leh. RW-Salam ayaa Madaxweyne Cawn ku booqday Qasriga Baacbad,ka dib markii ey wada kulmeen labada Masuul, ayuu RW-Salam hadal ka soo saaray waxa uuna yiri”Waxaan ka shaqeynayaa habeen iyo maalin si aan u arko Xukuumad iftiimeysa,waxa aan rajeynaa inaan u dulaqaato wararka xanta ah ee la xiriira iyo isfahanka Madaxweyne Cawn,ka noqon maayo halbeegyadii aan dhigay markii xilka la ii dhiibay,kuwaso ahaa Xukuumad ka madax banaan Baarlamaanka taaso Golaheed Wasiiradda eysan ka imaan Xildhibaanadda Baarlamaanka, Xukuumad ey salkeedu ka mid yihiin Mawaadiniin leh awood sare,Xukuumad eysan ku jirin Murashaxiin Dawladaha Hoose iyo Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumad eysan ka mid ahayn wakiilo Xisbi”. RW-Salam oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Marka aan ku xadgudbo mid ka mid ah halbeegyada aan dejiyey,aniga ayaa la igula xisaabtami doonaa,halbeegyadaasne waxaa lagu dabaqi doonaa qof kasta”. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyey inuu yahay taageere debecsanaan leh lagulana macaamilaayo qof kasta”isagoo raaciyey”Waxaan wajihi doonaa dhibaatooyin oo aan u soo bandhigi doono dawladda dhawaan,sidaas darteedna taageeradda Carabta iyo Kalsoonidda Caalamiga ah ayaa dib loo soo celin doonaa”. RW-Salam,isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”Xukuumadu waxa ey ka koobnaan doontaa 24-Wasiir, waayo xukuumad 30-Wasiir ka kooban waa Xukuumadda Midnimo Qaran iyo Baarlamaan Yar waa wax aan soconeyn,dawlad intaas ka yar ma soo dhisi karno,si Wasiir kasta uu u yeesho hal xil.
ISHA-AA
MAXAABIIS ISRA’IIL AH OO BERRI LA SII DEYN DOON.
(SAWIRKA)-SEDDEXDA ISRA’IIL EE BERRI LA SII DEYN DOONO.
(QUDUS)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in seddex Maxbuus oo reer Isra’iil ah kuna jira gacanta Ururka Xamaas ee reer Falastiin la sii deyn doon berri oo khamiis ah,waxaane lagu bedeshay 110-Maxbuus oo reer Falastin ah kuna xiran Xabsiyadda Isra’iil, sida uu dhigaayo heshiiska Xabad joojinta ee u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil. Bayaan uu soo saaray afhayeenka Ururka Xamaas garabka hubeysan ee Guutada AL-Qasaam ayaa sheegay in seddex Isra’iiliyiin ah kalana ah “Arbel Yehoud oo 29-jir ah, Agam Bergar-askeriyad,20-jir ah iyo Gadi Moshe Mozes”. Xafiiks warbaahinta Maxaabiista ey Xamaas maamusho ayaa sheegay in 110-Maxbuus oo Falastiiniyiin ah iney sidoo kale Isra’iil sii deyn doonto maalinta berri ah ee Khamiista ah, sida lagu sheegay war qoraal ah kana soo baxay Xafiiska Warbaahinta Xamaas, dadka Falastiiniyiinta ah ee berri la sii deyn doono ayaa waxaa ka mid ah, 32-Maxbuus oo ku xukunaa Xabsi daa’in ah, 48-Maxbuus oo ku xukunaa xabsiyo dheer iyo 30-Caruur ah oo aan weli qaan gaarin,wejiga koowaad ee heshiiska ee u dhexeeyo Ururka Xamaas iyo Isra’iil ayaa qorshuhu yahay in lagu sii daayo ilaa 33-Maxbuus oo Isra’iil ah iyadoo la dhaafsanaayo ama lagu bedelanaayo Maxaabiis reer Falastiin ah kuwaaso tiradooda ey dhexeyso 1,700-qof ilaa 2-kun qof.
ISHA-AA.