YEMAN: QARAX LAGU DILAY SARKAAL SARE.
(SAWIRKA)-CABDILADHIIF AL-SAYED.
(SANA’A-YEMAN)-Taliye ka tirsan Militeriga dalka Yeman qeybna ka ahaay la dagaalanka kooxda Al-Qaacidda kana hawlgasha dalka Yeman in ka badan toban sano ayaa ku dhintay qarax ey kooxda Al-Qaacidda dhigtay wadada koonfurta dalka Yeman maanta oo Khamiis ah. S/G.C/ladhiif Al-Sayed ayaa ka tirsanaay ciidamadda uu tababaray dalka Imaaraatka Carabta loona yaqaano”Security Belt Forces”kana hawlgala Gobolka Abyan ee dhaca koonfurta Yeman. Al-Sayed ayaa in mudda ah waxaa uu qeyb ka ahaay ladagaalanka Al-Qaacidda waxa uuna ku jiray sarakiisha safka hore ee la dagaalanka Argagixisada dalka Yeman.
ISHA/ARAB NEWS.