LIBNAN: WASIIRKA G/DHIGA OO KA BADBADAY DIL.
(SAWIRKA)-WASIIR MAURICE SELIM.
(BEIRUT)-Wasiirka Gaashaandhiga dalka Libnaan Maurice Selim ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu ka badbaaday isku day dil qorsheysnaay oo la rabay in lagu khaarijiyo Wasiirka gudaha caasimadda Beirut,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Libnaan. Isku dayga dil ayaa ka dhacay aaga Buundada Al-Baasha ka dib markii nin hubaysan oo aan la aqoonsan uu rasaas ku furay gaarigii uu la socday Wasiirka,waxa eyna rasaasta meelo kala duwan uga dhacday gaariga Wasiirka la socday,warbaahinta gudaha Libnaan ayaa soo wariyey in Wasiirku Badqabo kuna sugan yahay goob amaan ah,mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca xukuumadda Libnaan.
ISHA/SB-MEDIA.