YAMAN:BARAKACAYAAL GANTAA KU HABSADAY.

(GENEVA):Marka laga soo bilaabo sannadkii 2011-kii waqtigaaso uu dhacay kacdoonkii xukunka looga tuuray dhawr madaxweyne oo carab ah,dalka Yaman waxa uu ka mid ahaay dalalka uu saameeyey kacdoonkaas balse jid kale ayuu maray kacdoonkii reer Yaman eey xukunka uga tuureen AUN-Cali Cabdalla Saalax waxaane dalka yaman uu gacanta u galay koox shiica ah gacan saarne la leh dalka Iraan iyo Ururka Xizbullaahi ee dalka Libnaan,kooxdaan qabsatay Yaman lana yiraahdo XUTIYIINTA ayaa wada ineey isku balaariyaan goboladda dhaca waqooyiga dalka Yaman waxaane isbalaarintooda ka dhashay barakac aad baahsan oo aad u saameyey dadkii danyarta ahaay.Gobolka Ma’arib kuna yaalo xuduuda u dalka Yaman la wadago dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxa uu ka socday dagaal u dhexeeyo dawladda uu caalamka aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan iyo kooxda Xuutiyiinta waxaane la soo sheegaa in maanta oo khamiis ah(9/12/2021)-ka in kooxda Xuutiyiinta eey gantaal ku weerareen xarun eey maamusho hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta ee loo yaqaano(IOM) xaruntaan ayaa waxa eey ku taalaa degmada Alwaadi ee gobolka Ma’arib,waxaane gantaalka eey soo rideen Xuutiyiinta ku dhaawacmay afar caruur ah iyo qof dumar ah,hayadda (IOM) ayaa waxa eey baaq u dirtay garabyada ku dagaalamaayo Yaman waxa eeyna u sheegtay in la ixtiraamo sharciyadda caalamiga ah ee samafalayaasha iyo kan dadka rayidka ah.ISHA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI

Previous
Previous

SARKAAL SARE OO XIZBULLAAHI AH OO LAGU DILAY YAMAN.

Next
Next

DOORASHADDA SOOMAALIYA OO GABI AHAANBA JOOGSATAY.