SARKAAL SARE OO XIZBULLAAHI AH OO LAGU DILAY YAMAN.

(YAMAN):Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Yaman Mucamar Aleryaani maanta oo Khamiis ah(9/12/2021)-ka sarkaal sare kana tirsan ururka Xizbullaahi ee dalka Libnaan balse dalka Yaman u joogay inuu kaalmeeyo kooxda Xuutiyiinta ayaa waxa uu ku geeriyooday dagaal ka dhacay gobolka Ma’arib,sarkaakaan sare ee Xizbullaahi kuna sugnaay Yaman si uu gacan u siiyo Xuutiyiinta ayaa magaciisa lagu sheegay Akram Alsayid,waxa uuna Akram ku dhintay madfac eey soo rideen ciidamadda dawladda ee Xuutiyiinta kula dagaalamaayo gobolka Ma’aib gaar ahaan halka loo yaqaano Umu Reesha waane goob eey isku horfadhiyaan garabyadda uu ka dhexeyo dagaalka dalka Yaman.ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

CIRAAQ: MEYDAD YAZIDI AH OO LA HELAY.

Next
Next

YAMAN:BARAKACAYAAL GANTAA KU HABSADAY.