YAHUUDA OO RABTA INEY XADIDO TIRADA DADKA U SOO DUKANAAYO MASJID AL-AQSA’A.
(SAWIRKA)-MASJID AL-AQASA’A.
(QUDUS)-Xukuumadda Isra’iil ayaa ogolaatay in la xadido gelitaanka Falastiiniyiinta ku nool Isra’iil iyo Qudus ee masjidka AL-Aqsa’a inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan,marka laga bilaabo todobaadka labaad ee bisha soo socoto sida ey sheegtay Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Isra’iil maanta oo Axad ah. Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ogolaaday soo jeedinta Wasiirka Amniga ee Midigta Fof Itamar Bin Gvir, in kasta oo ey hayadaha amaanka ee dalka Isra’iil ey ka digeen xadidaada Falastiiniyiinta u soo dukashada tegaayo Masjid AL-Aqsa ee ku yaalo Qudus inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan ey sii kordhi karto dhibaatada. “Inkasta oo ey digniino ka soo baxayaan Shin Bet(Hayadda Amniga Gudaha) kuna saabsan qalalaasaha suuragalka ah una dhexeeyo Falastiiniyiinta iyo ciidamadda Isra’iil gudaha dhulka Isra’iil ayuu RW-Netanyahu wuxuu aqbalay talo soo jeedin ka timid Wasiirka Amniga Itamar Bin Gvir si loo xadido gelitaanka Falastiiniyiinta ee Masjidka AL-Aqsa’a ee magaaladda Qudus waqtiga ey bilaabato bisha Ramadaan”sidaas waxaa sheegay Channel-ka seddexaad ee dalka Isra’iil.
ISHA/AA.