XUUTIYIINTA OO U HANJABAY MIDAWGA YURUB.

(SAWIRKA)-TAAGEERAYASHA XUUTIYIINTA OO KU BANAANBAXAAYO SANCA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Talaada ah ku hanjabay iney jawaab ka bixin doonaan isku day kasta oo lagu doonaayo in lagu difaaco Maraakibta Isra’iil ee ku sugan Badda Cas ka dib markii Midawga Yurub uu ku dhawaaqay hawlgal ciidan oo lagu ilaalinaayo Maraakiibta ku sugan Badda Cas. “Waxaan leenahay reer Yurub dab haku ciyaarina uma baahnid inaad Maraykanka ku taageertid ilaalinta cidda haysata iyadoo la tixraacaayo ilaalinta Maraakiibta Isra’iil”ayuu yiri Maxamed Cali AL-Xuuti oo xubin ka ah Golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta dalka Yeman bayaan uu soo saaray. Maxamed AL-Xuuti ayaa sidoo kale yiri “Doqonimo kasta oo aad samayso waxay saameyn doontaa Maraakiibta iyo Socdaalka Badda Cas.,wuxuune intaas raaciyey”Joogitaanka Badda Cas waxay kordhinaysaa hawlgalada Mileteri ee Badda Cas,waxayna saameyn doontaa silsilada sahayda cuntada ee suuqyada ee Wadamadiina Yurub”. Isniintii shalay ahayd Midawga Yurub wuxuu si rasmi ah u bilaabay hawlgalka badda Cas isaga oo wata magaca ah “MISSION ASPIDES”si ey Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas uga ilaaliyaan weerarada Xuutiyiinta dalka Yeman. Kooxda Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsanaysa Maraakiibta qaada Xamuulka ee marta Badda Cas ey leeyihii amaba ey maamulaan shirkado laga leeyahay dalka Isra’iil,iyo iney yihiin Maraakiib isaga kala gooshta Badda Cas iyo dalka Isra’iil isla markaasne daabula badeeco ku socota dalka Isra’iil. Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay duqeymaha ey sida wadajirka u sameeyaan diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,duqeymaha ayaa lala beegsadaa goobo ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman kuwaaso laga soo tuuro Gentaalo lid ku ah Maraakiibta marta Marinka Badda Cas.

ISH/AA.

Previous
Previous

FARANSIISKA: IMAAM LOO HAYSTO INUU FAAFIYEY NECEYB.

Next
Next

YAHUUDA OO RABTA INEY XADIDO TIRADA DADKA U SOO DUKANAAYO MASJID AL-AQSA’A.