YAA HURINAYO DAGAALKA SUDAN OO QARSAN?
(SAWIRKA)-LABADA GENERAAL EE KU DAGAALAMAYO DALKA SUDAN.
(ADDIS ABABA)-Dalka Sudan waxa uu ka mid yahay wadamadda ugu dhulka weyn Qaarada Afrika,Sudan ayaa xuduud la leh wadamo badan oo ka tirsan Qaaradda Afrika tusaale ahaan dalka Masar Waqoyi kaga beegan yahay dalka Sudan,dalka Eritereya Bari,dalka Jaad Galbeed,dalka Koonfurta Suda koonfur,dalka Libiya Waqooyi galbeed,dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe Koonfur galbeed iyo ugu dambayntii dalka Itoobiya oo xuddud kala leh Sudan Koonfur Bari. Dalka Sudan ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhexeyo laba Generaal kuwaaso isla riday Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al-Bashiir balse hadda ey iska horkeentay danta,labadan Generaal ayaa gacan saar la kala leh wadamo Carbeed iyo kuwa Ajnabi ah kuwaso qeyb ka ah dagaalka taagan. Urur goboleedka IGAD ayaa Addis Ababa ku qabtay shir looga hadlaayo arrinta Sudan waxaane shirkaan diiday Gen.Burhan isagoo eed adag u soo jeediyey dawladda Kenya oo hadda Madax ka ah IGAD, beri oo Khamis ahne waxaa dalka Masar Casimadiisa Qaahira ka furmi doono shir looga hadlaayo xaaladda dalka Sudan,hadaba maxaa la isku hayaa oo aan cadeyn?
ISHA.ARABIC.