LACAGTA YEMAN OO HOOS U DHACDAY.
(SAWIRKA)-SARIFKA LACAGTA.
(ADEN)-Banaanbaxyo aad u xoogan ayaa ka dhacay dhammaan dhulka ey maamusho xukuumadda Yeman maanta oo Arbaca ah(12/7/23)-ka,sababta ayaa lagu sheegay iney tahay hoos u dhac ku yimid lacagta dalka Yeman ee ah Riyaalka. Hoos u dhacaan ayaa ah mid aad u sareeyo marka loo fiiriyo siduu ahaan jiray sicirka Riyaalka dalka Yeman waxa uuna hadda gaaray in halkii doolar oo Maraykan ah uu qiimihuusu gaaro 1,500-Riyaal Yemani ah dhammaadka bilihii la soo dhaafay. Banaanbaxyada dhacay maanta kuwooda ugu waa weyn ayaa ka dhacay magaaloyinka Cadan iyo Mukalla kuna yaalo Koonfurta dalka Yeman,waxaane la xiray dhammaan goobihii ganacsiga iyo dugsiyadii waxbarashada.
ISHA/ARAB NEWS.