XUUTIYIINTA YEMAN OO DIB U CELIYEY MARAKB U SOCDAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MARAKABKA GALAXY LEADER OO U AFDUUBA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A)-Marka laga hadlaayo xaaladda dalka Yeman waxaa mudnaanta koobaad iska leh in dalkaasi u qeybsan yahay laba qeybood ey kala maamulaan laba dawladood mid caalamka aqoonsan yahay iyo mid aan caalamku aqoonsaneyn,magalaadda Cadan ee ah caasimadda labaad ee dalka Yeman ayaa saldhig waxa ey u tahay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay halka magaaladda caasimadda ah ee Sanca ey ka taliyaan kooxda Xuutiyiinta uusan caalamku aqoonsaneyn,labadaan maamul ayaa waxa uu ka dhexeeyaa dagaal soo bilawday sannadkii 2014-kii markii ey Xuutiyiinta xoog kula wareegeen taladii magaaladda caasimadda ah ee Sanca wxaa eyna dileen Madaxweynihii Yeman Cali Cabdalla Saalax,hadaba maxay Yeman qeyb kaga tahay sheekadda caalamka ee waqtigaan taagan? Markii uu dhacay weerarkii ey Xarakada Xamaas ugu magac dareen “Duufaantii AL-Aqsa” Xuutiyiintu waxa ey bilaabeen iney taageraan Xamaas waxa eyna weeraro ka geysteen Marinka Baab AL-Mandab waxa eyna halkaasi ka soo afduubteen Markab la yiraahdo Galaxy Leader oo ilaa hadda gacantooda ku jira,warbaahinta Isra’iil ayaa maanta oo Isniin ah 11/12/23-ka sheegtay in kooxda Xuutiyiinta Yeman ey ku qasbeen Marakab u socday Isra’iil inuusan ka talaabin Badda Cas si uusan ugu xadgudbin shuruucda Xuutiyiinta. Talaabadaan cusub ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka dib markii afhayeenka Mileteriga ee kooxda Xuutiyiinta Yeman Sareeya Guuto Yaxye Saree uu ku dhawaaqay in Maraakiibta u socota Isra’iil laga mamnuuci doono iney maraan Badda Cas haddii aan cunto iyo daawo la gaarsiin Marinka Gaza,afahayeenka ayaa carabka ku adkeeyey in Markab kasta oo ku sii socda Isra’iil uu noqon doono bartilmaameed.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QARAMADA MIDOOBE OO KU DHAWAAQDAY XABAD JOOJIN.

Next
Next

ISRA’IIL OO ISTICMAASHAY FOOSFARASTA CAD.