QARAMADA MIDOOBE OO KU DHAWAAQDAY XABAD JOOJIN.
(SAWIRKA)-GAZA OO GUBANAYSA.
(NEW YORK)-Wararka ka imaanaayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in fiidnimadii maanta oo Talaada ah in Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe uu meel mariyey qaraar ku baaqaayo in Xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza sababo Bani’adanimo awgeed,ka dib markii 103-dal ey u codeeyeen qaraarka,waxaane diiday hal dal waxaane ka aamusay 23-dal. In ka badan afar meelood seddex meel xubnaha 193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay ayaa taageeray talaabadaan uu Maraykanka diidmada Qayexan kaga horyimid Golaha amaanka todobaadkii tegay. In kastoo go’aamada ka soo baxa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe aaney ahayn kuwo si sharci ah loogu dhaqmo dalalka xubnaha ka ah,sida go’amada Golaha Amaaanka isla markaane loo tixgeliyo talaabooyinka,hadane taagerada qoraalka ee in ka bada 153-wadan oo xubna ka ah ayaa ka dhigayso meel marintiisa fariin adag oo ku wajahan Maraykanka iyo Isra’iil oo ah kuwa ka soo horjeedo xabad joojinta Marinka Gaza.
ISHA/ARABI.