XUUTIYIINTA OO MARKII LABAAD QIRTAY IN LAGA…

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey maanta oo Sabti ah ey ku dhawaaqeen in 17-sarkaal oo ka mid saraakiishooda sar-sare lagu dilay weerarada ey qaadaan diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska. Wakaaladda Wararka u faafiso kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ee SABA’A ayaa sheegtay in maanta oo Sabti ah si heer sare ah aas Qaran loogu sameeyey meydadka tiro ka mid ah saraakiishii ka dhimatay qaranka iyo ciidamadda qalabka sida iyo kuwa nabad sugida ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yeman,kuwaaso ku dhintay natiijadii ka soo baxday duqeyntii ey gaysteen Maraykanka iyo ingiriiska. Wakaaladda SABA’A ayaa daabacday magacyada saraakiisha la aasay kuwaaso tiradooda lagu sheegay 17-xubnood oo darajooyin sar sare lahaay eyna ka mid yihiin GAASHAANLE SARE,GAASHAANLE IYO KABTAN,balse kooxda Xuutiyiinta ayaan faahfaahin xilliga iyo goobta lagu dilay saraakiishaan sare ee iyaga ka tirsan,waane markii labaad ey kooxda Xuutiyiintu shaaciyaan khasaaraha ka soo gaaro duqeynta ey si wadajir ah u fuliyaan Maraykanka iyo Ingiriiska.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO LAGU WEERARAY DALKA SURIYA.

Next
Next

SALDHIGA CIIDAMADA MARAYKANKA OO LA WEERARAY.