MARAYKANKA OO LAGU WEERARAY DALKA SURIYA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA MARAYKANKA EE KU SUGAN SYRIA.
(DIMISHIQ)-Kooxaha ey taageerto Iraan ayaa maanta oo Sabti ah gentaalo ku weeraray Warshada Gaaska ee KONIKO halkaaso ey ku sugan yihiin ciidamadda dalka Maraykanka. Sida ey sheegayaan ilo wareedyo maxali ah oo ey la xiriirtay Wakaaladda Anadolu,kooxaha ey taageerto Iraan ee fadhigoodu yahay daanta Galbeed ee Wabiga Furaat ee Diira-El-Zuur ayaa weeraro Gentaalo ah ku qaaday Warshada Gaaska Kooniko.Maalinimadii Khamiista,maleeshiyaadka ey taageerto Iraan ayaa sidoo kale weerar ku qaaday saldhiga Maraykanka ee keydka saliida ee AL-Cumar ee dalka Suriya. Dalka Maraykanka ayaa todobaadkii hore waxa uu bilaabay inuu weeraro saldhigyada ey leeyihiin kooxaha ey taageerto dawladda Iraan ee ku kala yaalo dalalka Ciraaq iyo Suriya,duqeymaha Maraykanka ayaa ku soo hagaagaayo waqti gudaha dalka Urdun lagu dilay seddex askeri oo Maraykan ah waxaane lagu dhaawacay afartan kale oo ka wada tirsan ciidmaadda Maraykanka ee ka hawlgala Bariga Dhexe.
ISHA/AA.