XUUTIYIINTA OO GANTAALO U RIDAY DHINAC ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA.

(YEMAN)-Tan iyo markii xukunka laga riday Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax sannakii 2014-kii dalka Yeman waxa uu u gacan galay xoogaga Xuutiyiinta oo ey taageerto dawladda Iraan,Xuutiyiinta ayaa hadda maamulo Waqooyiga dalka Yeman eyna ku jirto caasimadda Sanca iyo magaalo xeebeedka Xudayda ee dhinaca ku hayso Badda Cas. Taariikhdu markey ahayd 19/10/23-ka ayey ciidamadda badda ee dalka Maraykanka kuna sugan Badda Cas waxa ey soo rideen seddex gentaal oo dhulka laga soo riday iyo diyaarad Drones ah,gentaaladaan iyo Drones-ka ayaa la rumaysan yahay in laga soo riday magaala xeebeedka Xudeyda ee dalka yeman halkaaso ey maamulaan Xuutiyiinta,Wasaaradda G/dhiga Maraykanka ayaa rumaysan in gantaaladaan iyo Drones-ka la soo riday ey ka yimaadeen dhinaca Xuutiyiinta Yeman loona weday Isra’iil.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DAGAALKA GAZA OO YEESHAY WEJI KALE.

Next
Next

SALDHIG CIIDAN OO AL WEERARAY.