DAGAALKA GAZA OO YEESHAY WEJI KALE.

(SAWIRKA)-CARUURTA REER FALASTIIN OO EHELKOODII KU DHINTEEN WEERARADA DIYAARADAHA ISRA’IIL.

(GAZA)-Waxaa weli si aan kala go’o lahayn u socdo weerarada Isra’iil ee Gaza,dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas ayaa soo bilawday todobadii bishaan Oktoobar-2023-ka,dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkan ayaa aad u fara badan waxaane ka mid ah dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baahsan soona gaaray dad shacab ah una badan Caruur,Dumar iyo dad da’a ah. Dhinaca reer Falastiin ayey aad u badan tahay dhimashada sida la soo tebiyey waxa eyna gaaraysaa ilaa 5-kun qofood dhaawacane intaas waa uu ka sii badan yahay. Dagaalka ayaa hadda maraayo xaaladiisii ugu adkayd waxaan soo baxay warar sheegaayo in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe dalal ka tirsan oo Carab ah iney soo jiidiyeen in la joojiyo dagaalka guud ahaan waxaane arrinkaan diidan dalal reer Galbeed ah oo joojinta dagaalka u arko iney dan u tahay Xarakada Xamaas balse aan fiirihayn dhimashada shacabka eer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

KOOX CARBEED OO KA HADASHAY QARAMADA MIDOOBE.

Next
Next

XUUTIYIINTA OO GANTAALO U RIDAY DHINAC ISRA’IIL.