XUUTIYIINTA OO DIL KU XUKUMAY DAD GAARAAYO ILAA…
(SAWIRKA)-GUDIGA LA DAGAALANKA AFDUUBKA DADKA RAYIDKA AH EE YEMAN.
(MA’ARIB-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo Goblka Ma’arib ee dalka Yeman halkaaso ey fadhido Xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in Maamulka Qaran ee Maxaabiista iyo kuwa la Afduubtay ey sheegeen in xukunadda dilka ah ee ey kooxda Xuutiyiinta ku xukuntay dad rayid ah oo la afduubtay ey gaarayaan ilaa 145-xukun oo isugu jira kuwa dhintay iyo kuwa kale oo lagu sii daayey heshiisy isdhaafsi maxaabiis. Gudiga ayaa shir jaraa’id oo ey shalay oo Arbaca ahayd ku qabteen Magaaladda Ma’arib ee ah caaasimadda Gobolka Ma’arib ku sheegeen in tiradda xukunadda dilka ah ey soo saareen Maxkamadaha sharci-daradda ah ee kooxda Xuutiyiintaey gaareen 145-Qofood,kuwaaso sagaal ka mid ah dhibanayaasha la toogtay,laba ka mid ahne ey dhinteen intey xabsiga ku jiree,26-ka mid ahne lagu kala bedeshay heshiisyo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Yeman,waxaane 12-qofood lagu xukumay dil ka dib markii la sii daayey,kooxda Xuutiyiinta ayey suuroobi weysay iney xiraan 25-ka mid ah,halka hal qof oo la qafaashay lagu sii daayey go’aan ka soo baxay Golaha Xukuumadda Xuutiyiinta,70-qofood oo rayid ah oo la afduubayne kuna sugan Xabsiyadda Xuutiyiinta maamulaan waxay halis ugu jiraan in la dilo. Shirkooda jaraa’id ayey cinwan uga dhigeen”Maya ma jiro dhaafin siyaasadeed”,gudiga waxa uu xaqiijiyey in xukunadda ey soo saareen Maxkamadaha Xuutiyiinta ey ka maqan yihiin sharciyadda sharci ah eyna yihiin kuwa sameeyey xadgudub bareer ah oo ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka iyo Maxkamadeynta siyaasadeed ee heer sare ah. Waxa ey ku micneysay in go’aanka Golaha sare ee Garsoorka uu soo saaray 20-kii bishii Abriil sannadkii 2018-kii ee ah in Maxkamadda Dembiyadda khaaska ah loo wareejiyo Maxkamadda Demiyadda ee darjadda koowaad ee Ma’arib eyna beeniso sharcinimada Maxkamadaha ey Xuutiyiinta Gacanta ku hayaan. Kooxda Xuutiyiinta iyo xukunadda ey soo saartay iyadoo xustay in Qaramadda Midoobe ey ku tilmaantay Maxkamadeynta Xuutiyiinta sagaalka qofood ee rayidka ah ee ka dhacday Gobolka Xudeyda 18/9/2021-kii,ineysan ixtiraamin heerarka Maxkamadeynta cadaaladda ah. Maamulka dadka la afduubo ee dalka Yeman ayaa intaas ku daray in adeegsiga Garsoorka lagu xalliyo dhibcooyin siyaasadeed ey ka dhigan tahay khatar lagu haayo maxaabiista siyaasadda,iyagoo ku baaqay in baaritaan caalami ah oo madax banaan lagu sameeyo xadgudubyadda xuquuqdooda oo ey ku jiraan waayitaan qasab ah iyo jirdil iyagoo ku baaqay in la sameeyo dadaaladda ugu badan ee lagu soo qabanaayo kuwa masuulka ka ah si loo horgeeyo Maxkamadaha caalamiga ah loona hubiyo ineysan ka baxsan Ciqaabta ey mudan yihiin. Gudiga ayaa ku Nuuxnuuuxsaday baahidda loo qabo in la baabi’iyo xukuanadda dilka ah ey soosaaraan Maxkamadaha aan sharciga ahyn,isla markaane si deg deg ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay,lana joojiyo falalka afduubka ah ee aan sharciga aheyn.
ISHA/AA.