TAHRIIBAYAAL LAGU LA’AYAHA XEEBAHA YEMAN.
(SAWIRKA)QAXOOTI SOO GARAY YEMAN.
(YEMAN)-In ka badan 40-Qof oo Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa ku dhintay shil cusub oo dooni kula degtay Xeebaha Gobolka Ticis ee Koonfur Galbeed dalka Yeman. Hayadda Qaramadda Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa qoraal ey soo dhigtay barteeda Twitter-ka(x) ku sheegtay in maanta oo khamiis ah “Doon siday 45-qofood oo isugu jira Qaxooti iyo Tahriibayaal ka soo jeedo Geeska Afrika ey xalay kula degtay Xeebaha Gobolka Ticis ee dalka Yeman,ka dib markii ey ku dhufteen dabaylo xoogan iyo rar xadkiisa dhaafay”. Hayadda ayaa intaas raacisay in ilaa hadda la soo helay 4-qofood oo ka badbaaday musiibadaas,halka 41-kalane weli la la’ayahay,Hayadaha UNHCR iyo Hayadda Socdaalka Adduunka ee (IOM) iyo hayadaha maxaliga ah ee la hawlgala ayaa sii wada iney ka shaqeeyaan sidii ey u caawini lahaayeen kuwa soo badbaaday una dabooli lahaayeen baahiyaha ey qabaan. Yeman waxaa horay uga dhacday in 49-Tahriibayaal ah ey ku dhinteen kuwaaso 31-ka mid ah ey ahaayeen Dumar iyo 6-caruur ah,halka 140 kalane lagu waayey nolol,dhacdadaan ayaa la mid ah mid dhacday bishii juun-2024-ka ka dib markii dooni ey ku degtay Xeebaha AL-Gariif ee degmada Rudum ee Gobolka Shabwa’a,doonta degtay ayaa waxaa saarnaay dad dhan ilaa 260-qofood oo muhaajiriin ah,gudiga ayaa sheegay in dadkaasi 115-ka mid ah ey ahaayeen Soomaali halka 145-kalane ey ahaayeen Itoobiyaan. Hayadda Qaramadda Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR xafiiskeeda dalka Yeman ayaa tilmaamay in shilkan uu yahay kii ugu dambeeyey shilal dilaa ah oo ka dhacay waxa loo yaqaano “Jidadka Socdaalka Bari”halkaaso tobanaan kun oo muhaajiriin Afrikaan ah ey socdaal halis ah ku maraan Badda Cas ee dalka Yeman iyagoo ka baxsanaayo Colaadaha,Musiibooyinka Dabiiciga ah iyo raadinta fursado shaqo oo wnaaagsan. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay bishii hore in kasto ey jiraan khataro badan oo ka jira marinadda Bari,hadane tirada muhaajiriinta imaaneysa sannad kasta dalka Yeman ey sii seddex jibaarmayaan intii u dhexeysay sannadadii 2021-kii iyo 2023-kii,iyadoo ey kor u kacday qiyaastii 27-kun qof waxa eyna gaartay ilaa in ka badan 90-kun.
ISHA/HAYADDO.