XOGAHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO..

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in dacwada Xasuuqa ah oo ey Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ey tahay midaan faa’iido lahayn nacaybna ah. Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in soo gudbinta dacwadda ka dhanka ah Isra’iil iney tahay mid addunka ka weecinayso dadaaladda nabadda iyo amniga iyo weliba eeda Xasuuqa waa midaan faa’iido lahayn,Blinken ayaa sidaas shir jara’id ka sheegay waqti uu booqanaayey Tel Aviv. Waa booqashaddii afaraad ee uu Blinken ku yimaado Gobolka Bariga dhexe tan iyo markii uu biawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) bishii 7/12-2023-kii. Wasiir Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kooxaha Xamaas,Xizbullah iyo Xuutiyiinta dalka Yeman ey taageerto Iraan ey sii wadaan iney si cad ugu baaqaan baabi’inta Isar’iil iyo xasuuqa balaaran ee dadka Yuhuuda ah. Dalka Koonfur Afrika ayaa dacwad ka gudbiyey Isra’iil 29/12/23-kii iyadoo ku andacooneysa in Isra’iil ey ku xadgudubtay Axdigii Qaramada Midoobe ee ka hortaga iyo Ciqaabta Dembiyada Xasuuqa taariikhdiisuna yahay 1948-dii,Xadigaas ey saxiixday ayaa qabanaayo waayo waxa ey xasuuq ba;an ka gaysatay marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka 7/10/23-kii.

SB-MEDIA.

Previous
Previous

URDUN: SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHACAAYO..

Next
Next

MAXKAMADA ICJ OO DHEGAYSAN DOONTO DACWADA LIDKA KU AH ISRAEL.