URDUN: SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHACAAYO..

(SAWIRKA)-BOQORKA URDUN CABDALLAHA LABAAD,C/FATAAX AL-SISI IYO MAXAMUUD CABAAS.

(CAQABA-URDUN)-Wararka ka imaanayo Boqortooyadda Urdun ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dhici doon shir seddex geesood ah una dhexeeyo Madaxweynayaasha Masar C/fataax EL-Sisi,Maxamuud Cabaas iyo Boqorka Dalka Urdun Cabdallaha labaad,shirka ayaa la sheegay inuu ka dhici doono magaalo Xeebeedka Caqaba maalinta berri ah ee Arbaca ah,ujeedka shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii ey uga arrinsan lahaayeen xaaladda colaadeed ee ka taagan Marinka Gaza. Bayaan ey soo saartau Maxkamadda Boqortooyada dalka Urdun ayaa lagu sheegay in Boqor Cabdallah labaad uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Masar C/fataax EL-Sisi iyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas si ey uga wada hadlaan horumarka halista ah ee Marinka Gaza iyo xaaladda Daanta Galbeed. Shirka berri ka dhacaayo magaalo Xeebeedka Caqaba ayaa ku soo beegmaayo ayada ey socdaan dadaaladda lagu doonaayo in lagu mideeyo mawqifka wadamadda Carabta horayne loo riixo xabad joojin deg deg ah oo joogta noqota ey ka hirgasha Marinka Gaza iyo in gargaar bai’adanimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dhammaan dhulka dagaalku aafeeyey. Shir madaxeedka berri ka dhacaayo magaala xeebeedka Caqaba ayaa ku beegmaayo xilli uu socdaal Gobolka Bariga dhexe uu ku maraayo Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Antony Blinken si uu uga hortago fidintaan dagaalka Gobolka Bariga dhexe.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE OO KA HADLAY…

Next
Next

XOGAHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO..