XERADA JABALIYAH OO LA DUQEEYEY MAANTA.
(SAWIRKA)-XDERADA JABALIYAH EE LA DUQEEYEY MAANTA.
(JABALIYAH)-Wararka ka imanayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegayo in Xerada ugu dadka badan Marinka Gaza ee Jabaliyah ayaa waxaa duqeeyey diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil markii labaad wax ka yar afar iyo labaatan saacadood gudaheed sida laga soo xigtay war soo direyaasha ku sugan halkaasi,waxaane laga cabsi qabaa in boqolaal reer Falastiin ah iney ku hoos jiraan burburka dhismayaashii soo dumay weerarka ka dib. Xerada Jabaliyah ayaa waxa ey bartilmaameed u noqotay diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil kuwaaso dhulka reer Falastin ka gaystay weeraro aan kala sooc lahayn muddo saacada ah,sidoo kale,diyaaradah dagaalka ee Isra’iil waxa ey dad reer Falastin ah ku xasuuqeen xero kale ey ku sugnaayeen dad shacab ah shalay oo Talaada ahayd.
ISHA/ARAB.